“Is-beddelka Siyaasadda Arrimaha Dibada Maroko iyo Saamaynta Aqoonsiga JSL” AfriNews 24

0
167

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta AfriNews 24 ayaa warbixin ay daabacday si qoto dheer ugu falanqaysay isbeddelka muuqda ee ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Maroko, gaar ahaan jihada cusub ee ay u qaaddayso arrinta aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintu waxay caddeysay in tallaabadani aanay ku koobnayn oo keliya xidhiidh laba-geesood ah, balse ay tahay istaraatiijiyad ballaadhan oo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo loolanka muddada dheer ka taagnaa Saxaraha Galbeed (Western Sahara) iyo saameynta Moroko ee nidaamka madax-bannaanida qaaradda Afrika.

Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday in dawladda Maroko ay aaminsan tahay in sharciga caalamiga ah ee nidaamka dawladnimadu uu noqdo mid dhaqan-gal ah marka la xaqiijiyo awoodda wax-ku-ool ah ee hannaanka dawladeed (Effective Authority). Awooddaas oo ah mid ku dhisan kalsooni, aqoon, xirfad, dabeecad wanaagsan, iyo saameyn dhab ah oo dawladnimo. Sidoo kale, AfriNews 24 waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dawlad si dhab ah u shaqeysa (De Facto State) oo leh maamul hufan, kala dambayn amni, ciidan, lacag iyo baasaboor u gaar ah, iyo hay’ado dowladeed oo shaqaynaya. Sidaas darteed, warbixintu waxay sheegtay in Maroko ay u aragto aqoonsiga Somaliland mid la jaanqaadaya mabaadi’da caalamiga ah.

Inkasta oo Maroko ay isku xidhayso labada arrimood ee Somaliland iyo Saxaraha Galbeed, haddana warbixintu waxay muujisay in dawladda Maroko ay si cad u kala garanayso farqiga u dhexeeya labada qadiyadood. AfriNews 2 waxay xustay in Saxaraha Galbeed uu yahay qayb ka mid ah midnimadda dhuleed ee ay dib u hanatay Moroko; halka Somaliland ay tahay dawlad xasilloon oo leh nidaam dawladnimo oo shaqaynaya. Iyada oo kala saarista labada kiis ay Maroko ka caawinayso inay ilaaliso isku-duubnaanta doodeeda sharci, iyadoo dhinac aqoonsi siinaysa Somaliland, dhinaca kalena difaacaysa midnimadeeda dhuleed.

Warbixintu waxay si cad uga digtay in Maroko ay ka gaabiso hoggaanka aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku boorrisay inay qaaddo tallaabo geesinimo leh oo degdeg ah. Sida lagu sheegay warbixinta, haddii ay Maroko dib u dhacdo, waxaa suuragal ah in ay fursad ka helaan dalalka ay iska soo horjeedaan, gaar ahaan Aljeeriya, si ay u sameeyaan xeerar ama go’aamo xaddidaya dhaq-dhaqaaqyada Maroko.

Dhanka kale, warbixintu waxay ku eedaysay dawladda Aljeeriya inay adeegsato nidaam laba-wajiilayn ah (Double Standards), iyadoo mar difaacaysa mabda’a midnimada dhuleed ee qaar ka mid ah xuduudaha dhuleed ee qaaradda Afrika, marna taageeraysa dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka meelo kale. Arrintani sida warbixintu sheegtay ay tahay sababta ugu weyn ee ku riixaysa Maroko inay hoggaanka u qabato isbeddel siyaasadeed oo cad oo Afrika ka hana qaada.

Warbixintu waxay xustay in inkasta oo ururka Midowga Afrika (AU) uu si rasmi ah u difaaco xuduudihii gumeysiga ee qaaradda Afrika, haddana uu mararka qaar u dulqaato xaqiiqooyinka cusub ee ka jira dhulka. Sidaas darteed-na ay Maroko doonayso inay ka faa’iidaysato duruufahaas si ay u xoojiso mowqifkeeda, iyadoo muujinaysa in awoodda dhabta ah iyo maamulka shaqaynaya ay ka miisaan culus yihiin xeerar qoran oo aan shaqaynayn ama aan si buuxda u dhaqan-gelin.

Gabagabadii, AfriNews 24 waxay warbixinteeda ku soo gunaanaday in Maroko ay taagan tahay xilli taariikhi ah oo u baahan go’aan istaraatiiji ah: inay hormuud ka noqoto qaabaynta sharciyadda cusub ee madax-bannaanida Afrika, ama ay hoggaanka u dhiibto dalal kale. Sida lagu sheegay warbixinta, “Aqoonsiga Somaliland maaha keliya tallaabo saaxiibtinimo, balse waa tallaabo muhiim ah iyo istaraatiijiyad lagu xaqiijinayo garab istaaga xaqiiqada dhabta ah.