Hantida Qarsoon ee Badda iyo Faa’iidadeeda

0
102

Markii loo kuurgalay lana daraaseeyay dadka badda cuntadeeda cuna, waxa soo baxday inay yihiin dad ka caafimaad badan dadka berriga kana sheegasho yar xagga

xanuunnada, sidoo kale haddii aad ufiirsatid cudurrada kubadan berriga sida wadna

xanuunka, dhiig karka iyo sonkortuba aad ayay ugu yar yihiin dadka badda

xeebaheeda deggan, sida la ogyahay xayawaanka badda kujira waxaa kubadan

maaddooyinka laga helo fiitamiinada iyo borotiinka, kuwaasoo saacida jirka habsami

u shaqayntiisa. waxaynu odhan karnaa dhamaan.

Xilliyada kala duwan waa laga daban karaa kalluunka badda, laakiin xiliyadu way ku

kala haboon yihiin kalluumaysiga , 12-ka bilood 3 ama 4 bilood ee xagaaga maahee

inta kale waxa caadi ah helitaanka noocyada kala duwan ee kalluunka, inkastoo uu

jiro xilli todobaad ah oo ay kacdo baddu xilliga xagaaga laftiisa waxaa jira noocyo ka

mid ah xayawaankeeda oo la daban karo, sida libaax baddeedka oo helitaankiisu

xilligaas ka wanaagsan yahay xilliyada kale, sida barriga oo kale, maaddaama wixii la

cuni lahaa ay ku diyaar yihiin, sida la ogyahayna dadyow fara badan ayaa ku nool

badda dusheeda oo intaasoo fac isku dhalay doon gudaheed, isla markaas iyagoo kala

 

soo baxaya waxay cuni lahaayeen maalin kasta badda, dadkaas waxaa kamid ah,

Shiinaha, Vietnam-ka iyo quruumo kale oo u badan kuwa ku dhaqan Bariga fog.

Farqiga udhexeeya Qubada iyo diinka waxaa la odhan karaa midi wuxuu ku nool

yahay badda midna berriga, inkastoo qubadu ay barriga ku noolaan karto muddo

gaaban, midda kale qubada oo ah tan ku nool badda waxtarkeeda marka laga hadlayo,

subaggeeda iyo hilibkeeduba waxay daawo u yihiin cudurro badan oo lasoo darsa

bani aadamka sida Neefta, dhabar xanuunka iyo lafo xanuunkaba.

Runtii waxa kale oo jira xayawaanka aargoosatada, waxaana inta badan qaldan qaabka

loo ugaadhsado, dadku waxay qabtaan hooyada dhalaysa iyo midda dhallaanka ah,

waxa kale oo dhib ku haya dhamaanba xayawaanka badda maraakiibta waaweyn,

kuwaasoo saamayn ku yeesha noloshooda.

Xilliga roobka baddu kama maaranto ee aad bay ugu baahan tahay roobka, sida bariga

iyo xayawaanka ku nooliba ay ugu baahan yihiin roob ayay badda iyo xayawaanka ku

nooliba ugu baahan yihiin roobka la’aantiisana ma noolaan karaan, markii roob ku

da ayo xayawaanka Baddu wuu tarmaa.