Kumuu ahaa El Mencho, hoggaamiyaha laga cabsado ee lagu dilay hawlgalka militari?

0
189

Wuxuu caan ku ahaa “El Mencho”, magaciisuna waa Oseguera Cervantes wuxuu ahaa ganacsade laga cabsado oo u dhashay dalka Mexico, wuxuuna ahaa hoggaamiyaha koox burcad ah oo aan naxariis lahayn oo lagu eedeeyay inay abaabushay dadaallo lagu doonayay in Daroogada fentanyl lagu geliyo Maraykanka.

Oseguera oo mar ahaa sarkaal boolis ah, wuxuu noqday mid ka mid ah dadka ugu badan ee la raadinayo adduunka, iyada oo Maraykanka oo keliya uu madaxiisa dul dhigay lacag abaalmarin ah oo dhan $15 milyan oo doolar qofkii keena macluumaad horseedaya xadhigiisa.

Oseguera, wuxuu ahaa aasaasihii shebekada Maandooriyaha ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG), isaga oo hogaamiye ka noqday,wuxuu ahaa shakhsi aan la fahmi karin oo loo arkayay inuu yahay madaxa ugu awoodda badan Mexico tan iyo markii la xidhay boqorkii shebekada awooda badan ee Daroogada Sinaloa Joaquín “El Chapo” Guzmán tobankii sano ee la soo dhaafay.

Oseguera wuxuu ku dhashay bishii July 1966 gobolka galbeedka ee Michoacán, wuxuuna markii dambe u guuray Maraykanka wuxuuna si qoto dheer ugu lug lahaa ka ganacsiga daroogada laga soo bilaabo 1990-meeyadii, sida laga soo xigtay Maamulka Fulinta Daroogada ee Maraykanka (DEA). Sannadkii 1994, waxaa lagu helay dambi ah inuu shirqool ku sameeyay qaybinta heroin wuxuuna ku qaatay saddex sano xabsi Maraykanka ah.

Kadib wuxuu ku laabtay Mexico, wuxuu ku shaqeeyay sarkaal boolis ah gobolka galbeedka ee Jalisco laakiin wuxuu dib u u bilaabay hawlihiisii ​​​​dambiyeed, isaga oo saameyn ku yeeshay adduunka qarsoon ee daroogada, wuxuuna noqday mid ka mid ah boqortooyooyinka dambiyada ugu awoodda badan uguna naxariista daran ee Mexico.

Iyada oo ay mas’uuliyiinta Mexico iyo Maraykanka raadinayeen Oseguera ama “El Mencho” wuxuu hoos u dhigay  sumacadiisa iyo muuqaalkiisa ilaa xad, waxaana jira sawirro kooban oo isaga ah.

Geeridiisa Axaddii ka dhalatay hawlgal ay militariga Mexico ka sameeyeen Tapalpa, oo ku taal gobolka xeebta galbeed ee Jalisco, ayaa kicisay qalalaase baahsan oo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka.

Oseguera wuxuu lahaa xirfad dheer oo arxan darro ah ka hor inta aanu samayn CJNG. Muddo, wuxuu ahaa madaxa dadka dila, ka hor inta aanu bedelin Sinaloa Cartel oo caan ah, oo hoggaamiyihii hore Guzmán uu ku jiro xabsi daa’in ah oo ku yaal Maraykanka.

Sida laga soo xigtay ha’yada maamulka Daroogada Maraykanka (DEA), shabakada CJNG waxay soo baxday 2010-meeyadii wuxuuna helay fursada bannaan.

Oseguera wuxuu gacan ka helay koox uu hogaaminayey Abigael González Valencia, oo ah hoggaamiyaha Los Cuinis – waxay ahayd koox ka kooban qoyska oo ka shaqeysa darooda, sida laga soo xigtay DEA.

Oseguera iyo kooxdii Abigael, Rosalinda González Valencia waxay aad isu dhex galeen markii Oseguera uu guursaday Abigael walaashii wuxuuna yeeshay saamayn dhab ah.

“Dhab ahaantii, El Mencho waxa uu hoggaanka kooxda ku gaadhay istaraatiijiyad diblomaasiyadeed oo guurka ahayd,” ayuu falanqeeyaha amniga dadweynaha David Saucedo u sheegay CNN en Español.

 

Oseguera kooxdiisu waxay si dhakhso ah saameyn ugu yeelatay dalka Mexico, waxayna noqotay mid door muhiim ah ka ciyaarta ganacsiga daroogada adduunka.

Waa hawlgal naxariis darro ah oo mas’uul ka ah isku dayo dil ah oo lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta dowladda Mexico iyo dilal ka dhan ah kooxaha ka ganacsada tahriibinta ee iska soo horjeeda iyo saraakiisha fulinta sharciga Mexico, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Kooxdani waxay awooddeeda muujisay bishii Maajo 2015, markii ay ka jawaabeen hawlgal amni oo ay jidgooyooyin isku mar ciidanka Booliisku ka sameeyeen degmooyin dhowr ah, waxayna soo rideen diyaarad helikobtar ah. Saddex askari ayaa ku dhintay iskahorimaadyada.Markaa ka dib ayey DEA ku dareen El Mencho liiskeeda ugu raadinta badan.

CJNG waxay si weyn ugu lug leedahay soo saarista iyo ka ganacsiga Maandooriyaha, waxayna maamushaa dhowr dekedood oo loogu talagalay soo dejinta kiimikooyin xidhiidh la leh daroogada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maraykanka.

Kooxdani waxay xidhiidh la leedahay in ka badan 40 waddan, oo ay ku jiraan Ameerika, iyo sidoo kale Australia, Shiinaha iyo Koonfur-bari Aasiya, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cadaadis ku saaray Mexico inay wax badan qabato si loo xaddido qulqulka daroogada ee Maraykanka.

Geerida “El Mencho” Axaddii ayaa qalalaase ka abuurtay dalka oo dhan. Laakiin daruuri ma aha inay curyaamin doonto ganacsiga daroogada ee balaayiin doolar ah ee JNGC.

Milatariga iyo booliiska Mexico, oo ay taageerayaan sirdoonka iyo qalabka Maraykanka, ayaa hore u dilay boqorrada daroogada, Laakiin kuwa kale ayaa soo baxay si ay u qaataan booskooda, daroogo badan ayaana sii socotay iyaga oo ka gudbaya xadka Maraykanka.