“Nashqadda Awoodda Qarsoon ee Madaxweyne Cirro: Somaliland oo Dhisaysa Boqortooyada Droneska, Digitalka iyo Marinno Ganacsi”

0
138

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin ay daabacday Warbaahinta Horn Vision ayaa si qoto dheer u falanqaysay xirfadaha diblumaasiyadeed iyo xeeladaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisayso saameynteeda gobolka Geeska Afrika. Warbixintu waxay tilmaantay in xukuumadda Somaliland ay adeegsanayso nidaam saddex-lakab ah oo isku dhafan, isla markaana ay isku-darka saddexdan tiir ka dhigayaan Somaliland istiraatiiji ah oo saameyn muuqata ku leh gobolka.

Warbixinta Horn Vision waxay muujisay in Xukuumadda Somaliland ay qaaday tallaabooyin istiraatiiji ah oo ay ku xoojinayso awooddeeda heer gobol iyo heer caalami. Kuwaasi oo ay xustay in ay ka mid yihiin horumarinta tiknoolajiyadda Drones-ka, oo kaalin weyn ka qaadanaya sugidda amniga gudaha iyo ilaalinta xeebaha; dhismaha kaabayaasha dhijitaalka ah oo kor u qaadaya maamulka iyo hufnaanta dawladnimada; iyo horumarinta Marinka Ganacsiga Berbera oo ay tilmaantay in uu noqday halbowlaha dhaqaalaha gobolka.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay si tartiib ah uga guurtay nidaamkii hore ee ku-tiirsanaanta diblomaasiyadda dhaqanka, isla markaana ay u wareegtay dhisidda “xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dhulka” (facts on the ground). Tallaabadan oo ay warbixintu xustay in ay Somaliland ka dhigtay dal aan raadinaynin oo kaliya aqoonsi, balse u rogtay quwad istiraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin.

Waxa kale oo ay tilmaantay warbixintu in Dedaalladan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ku dhisan hanaan diblumaasiyadeed oo firfircoon ay caalamka u soo bandhigtay qaab-dhismeed dawladnimo oo casri ah (blueprint) oo ku dhisan hufnaan, nabadgelyo iyo iskaashi caalami ah. Iyada oo Habkan cusub iyo dedaaladdaasi xoogan ay horseedeen guulo diblomaasiyadeed oo la taaban karo iyo aqoonsi caalami ah oo bilaabmay sannadkii 2025.

Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay ahmiyadda juqraafiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sheegtay in xiisaha caalamiga ahi si weyn ugu xidhan yahay goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo oo dhacda xeebaha Gacanka Cadmeed oo ah meel istiraatiiji ah oo isku xidhsa Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys. Taas oo Somaliland siisay miisaan dhaqaale iyo mid amni oo ka baxsan xuduudaheeda.

Horn Vision waxa kale oo ay warbixinteedu ku boorrinaya akhristayaasha in ay Sahamiyaan loolanka awoodda ee qarsoon ee qaabaynaya Somaliland, isla markaana ay fahmaan sida hoggaaminta Madaxweyne Cirro dib ugu qeexayso saamaynta qarniga 21-aad. Laga bilaabo ilaalinta casriga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ilaa kaabayaasha dhijitaalka ah ee heerka sare ah, iyada oo isku darka arrimahani ay Somaliland si deggan u dhigayso ciyaaryahan fure u ah arrimaha juquraafi-siyaasadeedka gobolka.

Warbixintu waxay si gaar ah u dul istaagtay faa’iidooyinka dhaqaale ee marinka ganacsiga Berbera, iyadoo muujisay sida isku-darka kaabayaasha dekedda, maalgashiga shisheeye iyo sugidda amniga badaha Somaliland ay u beddelayaan doorka Somaliland ee maamulka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Iyada oo Berbera ay noqotay halbowlaha isku xidhkaa Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka, isla markaana ay si tartiib ah u qaabaynayso miisaanka awoodda ganacsi iyo amni ee gobolka.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in xeeladaha istiraatiijiga ah ee Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cirro ay dhisayaan nidaam xooggan oo sugaya mustaqbalka Somaliland isla markaana beddelaya miisaanka awoodda ee Geeska Afrika. “Qaddiyadda Somaliland hadda ma aha mid ku kooban raadinta aqoonsi, balse waa mashruuc ku dhisan hal-abuurnimo, adkeysi iyo dhisidda xaqiiqooyin la taaban karo, kuwaas oo ku salaysan xuduudo sugan, dhaqaale kobcaya iyo bulsho deggan,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Ugu dambayn, warbixintu waxay xustay in guulaha maxalliga ah ee Somaliland ay horseedeen horumar diblomaasiyadeed oo ballaadhan. Waxaana lagu yidhi warbixinta “Bishii Diseembar 2025, Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, tallaabo lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo saameyn ku yeelatay siyaasadda gobolka. Sidoo kale, dowlado waaweyn sida Mareykanka, Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii kordhinaya xidhiidhka iyo maalgashiga ay ku sameynayaan dhaqaalaha Somaliland.”

Geeska Afrika, waxaa ka soo baxaya awood cusub oo ah mid deggen, xeeladaysan, taas oo si dhammaystiran loo dhisay. Tani waa sheekada Somaliland, oo ah jamhuuriyad madax-bannaan tan iyo 1991-kii, taas oo dib u qoraysa xeerarka dowladnimada. In ka badan 30 sano, ayay Somaliland u shaqaynaysay si degen iyadoo aan la aqoonsan. Markii la doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Somaliland waxay hormuud u noqotaqy nidaam isku-dhafan oo saameyn leh. Habka Cirro wuxuu isku darayaa saddex lakab oo kala ah Shabakadda Diyaaradaha ilaalada ah (Drones), Kaabayaal Dhiijital ah oo adag iyo marin ganacsi oo istaraatiiji ah, taasina waxay Somaliland ka dhigaysaa goob dunidu u baahan tahay oo istiraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin.”