Shirqoolo Cadawga Somaliland soo Maleegay oo la Fashiliyay iyo Shabakaddo la Qabtay

0
132

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan) Xukuumaddda Somaliland, ayaa fashilisay shirqoolo cadawga Somaliland meelo kala duwan ay ka soo abaabuleen. Waxaanay ciidamada ammaanka Somaliland gacanta kusoo dhigeen shabakado cadawga Somaliland soo abaabuleen oo ku hawlanaa falal lid ku ah qarannmada Somaliland, kooxaha la qabtay ayay cadawga Somaliland waxaana soo abaabulaya xasan sheekh oo ku fashilmay xilka dalkiisa oo ku jira xaalad ammaan darro iyo qalalaase dadkiisuna cabsi ku nool yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, ayaa markii ugu horeysay caddeeyey in ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen kooxo shabakad ah oo ay adeegsanayeen wadamo shisheeye oo cadow ku ah Somaliland, kuwaas oo lagu maalgaliyey inay khalkhal ka abuuraan gudaha Somaliland. Wasiirka waxa uu sheegay in shabakadaas oo ay ku jiraan dad u dhashay Somaliland. Waxaanu intaa raaciyay wasiir Cabdalle in qaar la xidhay, kuwa kalena lagu dabajiro soo qabashadooda, waxanaa uu si weyn u ammaanay laamaha ammaanka JSL.

“Waxaan idinla socodsiinayaa in Cadow badan oo aynu leenahay ay farogalin badan wadankeenaku hayaan soona galiyeen kooxo iyo shabakado abaabulan. Ciidamada amnigu waxay qabteen shabakad lasoo adeegsaday dad kamid ah kuwa Somaliland oo lasoo maalgaliyey wadamo shisheeyana ka danbeeyaan, kuwaas oo loo adeegsaday ina Somaliland gudaheeda khalkhal ay ka abuuraan, waxaana ugu horeeya Xasan Sheekha maamula Xamar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in shabakadaha la soo adeegsaday qaar ka mid ah in la qabtay oo ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen, halka kuwo Kalena lagu dabo jiro, isla markaana deg deg loo soo qaban doono dhammaantoodna sharciga la hor keeni doono.

“Shabakaddahaa lasoo adeegsaday wax way xidhan yihiin, kuwo baadhitaan ayaa ku socda, kuwona waa la daba socdaa waxaana la marinayaa sharcita Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Somaliland Cabdalle Maxamed Carab.