Hong Kong ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dowladda Panama ka dib markii ay la wareegtay laba dekedood oo ku yaal kanaalka Panama. Waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Panama inay xoog kula wareegeen.
Dekedaha waxaa maamulaysay shirkad fadhigeedu yahay Hong Kong, CK Hutchison, in ka badan labaatan sano.
Bishii hore, Maxkamadda Sare ee Panama ayaa baabi’isay qandaraasyadii u oggolaanayay CK Hutchison inuu maamulo dekedaha konteenarrada, iyada oo sheegtay inay yihiin “kuwa aan dastuuriga ahayn”.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu cadaadis saaray Panama isaga oo sheegay in Shiinuhu uu maamulayo kanaalka. In kasta oo aan caddayn arrintaa muujinaysa lahayn.
Dowladda Hong Kong ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo bandhigayso “diidmo xooggan” waxaanay sheegtay in falkii Panama uu wiiqay ruuxdii qandaraasyada iyo xeerarka ganacsiga caalamiga ah.
Sannadkii hore, shirkadda fadhigeedu yahay Hong Kong ayaa ogolaatay inay inta badan saamigeeda labada dekedood ka iibiso koox ay hoggaaminayso shirkadda maalgashiga Maraykanka ee BlackRock. Tallaabada ay qaaday dowladda Panama ayaa carqaladeyn karta iibka $22.8 bilyan oo doolar (£20.75 bilyan), sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
CK Hutchison, oo uu aasaasay bilyaneerka Hong Kong Li Ka-shing , ayaa tallaabada ku tilmaamay “sharci darro”.
Madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah u sheegay in kanaalka Badhtamaha Ameerika uu gacanta ku hayo Shiinuhu.
Intii uu khudbadda ka jeedinayay caleemo-saarka bishii Janaayo ee la soo dhaafay, wuxuu yidhi: “Shiinaha ayaa maamulaya Kanaalka Panama maanu siin Shiinaha. Waxaanu siinnay Panama waa in aanu dib u soo celinaynaa.”
Bishii xigtay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sidoo kale dalbaday in Panama ay “isbeddel degdeg ah” ku sameyso waxa uu ugu yeedhay “saameynta iyo xakamaynta” Shiinaha ee kanaalka.
Ma jirto caddayn dadweyne oo muujinaysa in Shiinuhu uu maamulo kanaalka, inkasta oo shirkadaha Shiinuhu ay si weyn uga muuqdaan halkaas.
Ilaa 14,000 oo maraakiib ah ayaa isticmaala Kanaalka Panama oo dhererkiisu yahay 51-mayl (82km) sannad kasta si ay u noqdaan marin gaaban oo u dhexeeya Atlantic iyo Pacific.
Waddada biyaha, oo maamusha qiyaastii 5% mugga ganacsiga badda adduunka, waxaa maamula Hay’adda Kanaalka Panama, oo ah hay’ad ka tirsan dowladda Panama.
Laga bilaabo Oktoobar 2023 ilaa Sebtembar 2024, Shiinuhu wuxuu ahaa 21.4% mugga xamuulka ee ka gudba kanaalka, taasoo ka dhigaysa isticmaalaha labaad ee ugu weyn marka laga reebo Mareykanka.




















