“Horumar Ballaadhan oo laga Gaadhay Adeegyada iyo Qalabaynta Cisbitaallada Dalka” Wasiirka Caafimaadka

0
186

Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasiirka horumarinta caafimaadka JSL, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in horumar ballaadhan laga gaadhey adeeg bixinta caafimaadka dib u habeyn iyo qalabeyna lagu sameeyay cisbitaallada dalka.

Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in muddadii ay jirtay xukuumaddu ay wasaaraddu samaysay qiimeyn ballaadhan oo lagu ogaanayo baahiyaha iyo caqabadaha caafimaad ee ka jira dalka, iyagoo kormeeray dhammaan gobollada, xarumaha caafimaadka iyo cisbitaallada.

Wuxuu sheegay in in ka badan 80 xarumood oo hore u xidhnaa ama gaabis ahaa dib loo furay lana tayeynay, isla markaana la hagaajiyay adeeg-bixinta, dib-u-habeyn lagu sameeyay shaqaalaha caafimaadka, lana casriyeeyay qaar ka mid ah cisbitaallada waaweyn ee Borama, Gabiley, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kuwaas oo la gaadhsiiyay qalab caafimaad oo casri ah sida qalabka sawirrada, neefsinta iyo kuwa daryeelka bukaanada koomada gala.

Sidoo kale, wuxuu xusay in la soo iibiyay saddex mashiin oo CT Scan ah, midna uu dalka yaallo laba kalena ay soo socdaan, kuwaas oo miisaaniyadda lagu daray.

Dhismaha qayb ka mid ah Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay taageerayso dawladda Taiwan ayuu sheegay inuu si habsami leh u socdo, isla markaana la filayo inuu yareeyo bukaanada dibedda u safri jiray.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Imaaraatku dhisayo cisbitaal Burco laga hirgelinayo, hawshuna ay socoto.

Geesta kale, wuxuu sheegay in xilli ay dalka ka jirto xumad badan la gaadhsiiyay dawooyin gobollada, gaar ahaan deegaannada bariga, isla markaana adeegga caafimaadka kor loo qaaday inkastoo baahiyo weli jiraan.

Waxaanu yidhi. “Dhab ahaantii anaga oo ka duuleyna siyaasada xisbiga ee  Madaxweynaha Qaranka JSL, muddadii xukuumadani jirtey wax badan ayaa u qabsoomey wasaaradda horumarinta caafimaadka, ugu horeyn waxa aanu qiimeynay baahiyaha ka jira dhinaca caafimaadka iyo caqabadaha ku gadaaman, gobollada dalka oo dhan ayaanu soo Marney, xarumaha caafimaadka, cisbitaalada, kuwa hooyada iyo dhallaanka, waxa aanu qiimeynay waxa loo baahan yahay haddii ay tahay dawooyinka, shaqaalaha.

Dhab haantii xarumo badan oo xidhmey oo gaab galey oo ka badan ilaa 80 xarumoodna wey nooga soo dhex baxday qiimeyntaas waananu furney, gaabkiina waanu ka saarney, intii xukuumaddu jirteyna dhab ahaantii waxyaabo badan ayaa noo qabsoomey, horumar badan ayaanu ku tallaabsaney, hadday noqoto adeeg-bixinta caafimaadka oo wax badan aanu ka beddelay, shaqaalaha aanu oo aanu dib u habeyn ku sameynay, sida dhakhaatiirta takhasuska ah, cisbitaalada oo dib u habeyn iyo casriyeyn ku sameyn qaarna la balaadhiyay, qalab caafimaad oo aanu soo kordhiney oo aanu geynay cisbitaalada waa weyn, sida Borama, Gabiley, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, qalabkaasi oo isugu jira kuwa wax lagu sawiro iyo qalabka dhaliya neefsiga hawada, mushiinada dadka lagu baadho, mushiinada lagu xidho dadku markey Koomada galaan aan wakhtigii hore aan ooli jirin, oo Somaliland, markii u horraysay ee laga isticmaalo ay tahay cisbitaalada dawladda waana horumar aanu ku tallaabsaney anaga oo fulineyna waajibaadkii nala farey.

Waxa kale oo aanu soo iibiney Mushiinada CT SCAN, kuwaas oo qaarna soo socdaan Kuwana yaalaan hadda ahna saddex xabo, madaxweynaha JSL, ayaanu uga mahadcelineynaa oo miisaaniyada ku darey, xabaddi imika wey taala labana way soo socdaan.

Dhab ahaantii baahiyuhuna way badan yihiin oo lama odhan karo waanu wada dabooley, dadaalkana inta waanu ka sii badanineynaa.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, oo qayb ka mid ah ay noo dhiseyso dawladda Taywan ee aanu saaxiibka dhaw nahay, dhismahaasina sidiisi ayuu u socdaa, waxaanu rajeynayna in uu muddo kooban inoogu dhammaado mid casri ahna wuu noqon doonaa, bulshadeenuna wey  u aayi doonaan, baahidii dibedda loo tagi jireyna waa lagaga maari doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, dhab ahaantii lacag badanina way nagaga baxda safarada dibedda, bukaanada qaarba inta la siiwado dhintaba, kaasna waxa aanu Alle ka baryeyna inuu sifiican noogu dhammaado.

Dawladda Imaaratkuna mid ayay Burco nooga dhisi doonaan, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigey, Injineero ayay soo direen waaney qiimeeyeen, hawshuna way socota dhawaana wey imanayaan.

Xumad badan ayaa dalka imika ka jirta Alle haynaga qaboojiye, dawooyin badan ayaan goobo badan gaadhsiineyn  oo gobollada dalka aanu u kala dirney, weliba kuwa barrigu haw darnaadeene, maadama abaartuna xagga u badan tahay, dhulkuna xagga u balaadhan yahay, adeeg-bixinta caafimaadka dalka kor ayaanu u qaadney”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagey gobollada Bariga dalka, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo kormeerka xarumaha caafimaad ee deegaannada fog-fog.

Wasiirka iyo waftigiisu waxay magaalada Burco si rasmi ah uga dhagax dhigeen Xannaanada Degmada Lixle, taas oo qayb ka ah qorshaha Wasaaradda ee lagu ballaadhinayo adeegyada hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale, degmada Caynaba ayuu Wasiirku ka furay qayb cusub oo lagu xanaaneeyo carruurta aan sidkoodu dhammaystirnayn (Neonatal Care Unit), si loo yareeyo khataraha la xidhiidha dhalmada iyo carruurta miisaankoodu hooseeyo.

Deegaanka Gal iyo Qac ee gobolka Sanaag ayaa isna laga dhagax dhigay xarun cusub oo hooyada iyo dhallaanka ah, halka degmada Bohol iyo deegaanno kale la gaadhay si loo kormeero adeegyada caafimaad.

Dhanka kale Waftigu waxay booqdeen deegaannada, Qoryaale, Qaloocan, Waraabeeye, Harada Gubataxil, Wadaamagoo, waxaaney ujeeddada safarku  ahayd in si toos ah loo qiimeeyo tayada adeegyada caafimaad, helitaanka dawooyinka, tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka iyo baahiyaha dhabta ah ee jira.

Masuuliyiintu waxay la kulmeen maamulka gobollada, odayaasha dhaqanka  iyo bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, iyadoo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee Population Services International (PSI), ayaa soo gabagabaysay laba tababar oo muhiim ah, tababar loo qabtay wacyigeliyeyaasha Hargeysa si loo baro hababka wacyigelinta bulshada, gaar ahaan kala-korinta ubadka iyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Tababar loo qabtay 25 dhakhtar oo ka socda 25 xarumood oo Hargeysa ku yaalla  kaas oo diiradda lagu saaray daryeelka hooyada ee xaaladaha degdegga ah (Post Abortion Care – PAC), si loo yareeyo khataraha caafimaad loona kordhiyo tayada adeegga.

Tababaradan ayaa qayb ka ah mashruuca lagu horumarinayo kala-korinta ubadka iyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka guud ahaan dalka.

Safarkan shaqo iyo tababaradani waxay muujinayaan dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ku doonayso in la helo adeeg caafimaad oo tayo leh, in adeeggu noqdo mid loo siman yahay, in uu gaadho deegaannada fog-fog, in la yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka

Wasaaraddu waxay xoojinaysaa kaabeyaasha caafimaadka, tababarka shaqaalaha, iyo la shaqaynta bulshada si loo helo adeeg caafimaad oo waxtar leh oo gaadha dhammaan bulshada dalka.