Nolosha Cuba oo qarka u saaran in ay istaagto Cadaadiska Maraykanka awgiis

0
217

Iyada oo loo xidhiidhkii milaeri ee ay la lahayd Venezuela iyo hanjabaado kale, maamulka Trump wuxuu joojiyay qulqulkii saliidda ee Cuba, isaga oo isku dayaya inuu iyamaado xukun ka duwan kan shuuciga ah ee maamula jasiiradda.

Cuba uma muuqato inay haysato xulafo kale oo diyaar u ah inay keento boqolaal milyan oo doolar oo shidaal ah oo loo baahan yahay si loo xoojiyo dhaqaalaha. Waxa lumay dhaqaalihii shidaalka iyo dalxiisayaashii taasina masiib ayey u keentay Cuba.

Iyada oo dhibaatadu sii socoto, noloshu si tartiib tartiib ah ayay uga joogsanaysaa jasiiraddan oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​10 milyan oo qof.

Fasallada iskuullo badan ayaa la joojiyay, shaqaalahana fasax ayaa laga geliyey si loo badbaadiyo tamarta. Hoteellada ayaa xidhmay, duulimaadyadii ka iman jiray Ruushka iyo Kanadana waa la joojiyay maadaama aanay jirin shidaal ku filan oo diyaaradeed oo jasiiradda ku yaal si loogu duulo duulimaadyo caalami ah oo dheer. Boqortooyada Ingiriiska iyo Kanada ayaa uga digay muwaadiniinta inay ka fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn ee ay ku tagayaan Cuba.

Toddobaadkii hore, qabanqaabiyeyaashu waxay joojiyeen xafladda sigaarka ee sanadlaha ah ee loo yaqaan Habanos kaas oo keenaya malaayiin doolar oo dakhli ah. Sidaas oo kale Shirkada Sherrit International ayaa Todobadkan ku dhawaaqday in shirkaddu ay joojinayso hawlaha macdan qodista nikkel iyo kobalt ee Cuba iyada oo ay jirto cillad shidaal.

Isbitaallo badan oo ay dowladdu maamusho ayaa jaray adeegyada, shidaal la’aanta awgeed gawaadhida qashinka qaada ee shaqeeya ayaa sababay in qashinku uu ku tuulo xaafadaha oo dhan.

Ku dhawaad ​​​​gebi kasta oo waddo ah, hadda diiraddu waxay saaraan tahay goorta korontada la jarayo iyo inta ay le’eg tahay. Habeenkii Havana, xiddigaha badanaa si cad ayaa loo arki karaa maadaama inta badan magaalada ay ku jirto mugdi ku dhow.

Maamulka Trump ayaa sheegay in dowladda Cuba ay u baahan tahay inay ugu dambeyntii furto dhaqaalaha dawlada  ama soo dayso lacagaha intaanu burburin dhaqaalaha dhexe ee jasiiraddu.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayuu maamulka Trump u xil saaray inuu hoggaaminayo dadaallada lagu gorgortamayo mas’uuliyiinta ugu sarreeya Cuba. Rubio, oo ah nin Cuban American ah isla markaana muddo dheer ka soo horjeeday dowladda Cuba, ayaa hore u sheegay in waxa kaliya ee uu damacsan yahay inuu kala hadlo hoggaanka shuuciga ee jasiiradda ay tahay goorta ay xukunka ka degi doonaan.

Cuba waxay muddo dheer ku badbaadaysay kabniin dhaqaale oo Midowga Soofiyeeti, ka dibna Venezuala, hadda xaalku waa ku xun yahay waxaana saaran godoomin Milateri.

Inta badan cuntada ay cunaan dadka reer Cuba waxaa laga soo dejiyaa dalka debediisa, tobanaan sano oo ay dowladoodu ku jirtay sidaa beerihiina way xumaadeen.  beereed oo aad u xun.

Madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel oo wajahaya arrimaha sii kordhaya, ayaa ugu baaqay dadweynaha inay “si hal-abuur leh uga hortagaan arrimaha jira oo ay qaataan fikir waqtiga dagaalka.

“Suuqyada beeraha” ee Havana oo iibiya cuntooyinka yar yar ee laga soo saaro jasiiradda, dadka qaar ayaa ka digay dhibaatada sii kordheysa ee ku saabsan keenista miraha iyo khudaarta caasimadda laga bilaabo baadiyaha halkaas oo lagu beero.

Si kastaba ha ahaatee Cuba waxay qarka u saaran tahay in ay dunto ama ay soo deg degto sidii ku dhacday madaxweynihii Venezuala.