Man United Oo Shaacisay Lacagta Waallida Ah Ee Ku Baxday Caydhinta Amorim

0
156

Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay bixin doonto ilaa £15.9 milyan oo gini si magdhow ah, kaddib markii ay shaqada ka ceydhiyeen tababare Ruben Amorim iyo shan ka mid ah kaaliyayaashiisa.

Amorim ayaa shaqada laga eryay 5-tii Janaayo, isagoo kaliya 14 bilood joogay kooxda ka dhisan Old Trafford.

Wararka ayaa sheegaya in Amorim uu horay u qaatay £10 milyan markii la fasaxay, kaddib kulan uu la yeeshay agaasimaha ciyaaraha Jason Wilcox iyo madaxa fulinta Omar Berrada.

Qoraal dhawaan loo gudbiyay Suuqa Saamiyada New York (New York Stock Exchange) ayaa muujiyay in wadarta kharashka eryista Amorim iyo shaqaalihiisa ay gaadhi karto £15.9 milyan.

Marka la isku daro lacagihii lagu soo qaatay iyo kuwa eryiddiisa, kharashka guud ee ku baxay Amorim wuxuu gaadhi karaa ilaa £27 milyan.

Waxaa xusid mudan in lacagta ugu dambeysa ee uu heli doono Amorim ay ku xirnaan doonto haddii uu shaqo kale helo muddo cayiman gudaheed.

Arrintan ayaa mar kale muujineysa culayska dhaqaale ee ka dhasha beddelka tababarayaasha ee kooxaha waaweyn.