Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa dhiibtay fikirkiisa ku saabsan isku-aadka wareegga 16-ka ee Champions League oo ay kooxdiisa ku aaday kooxda Newcastle United.
“Ciyaar kasta waa mid muhiim ah. Uma dabbaaldegayo inaanan wajihin PSG; waa inaan ixtiraamnaa kuwa nala tartamaya. Qof walba wuxuu rabaa inuu gaadho finalka, Newcastle sidoo kale waxay doonaysaa inay ku guuleysato Champions League. Dhammaan kooxaha nala ciyaaraya waa kuwo adag,” ayuu yidhi tababaraha u dhashay dalka Jarmalka.
Barca ayaa horay ugu garaacday Newcastle 2-0 kulan ka dhacay garoonka St James’ Park intii lagu guda jiray heerka group-yada, waxaana guusha keenay Marcus Rashford oo soo bandhigay ciyaar heer sare ah isagoo labada goolba dhaliyay.




















