Guddoomiyaha Togdheer oo Baaq la Xidhiidha Gurmadka Abaaraha u Diray Hay’adaha Caalamiga ah

0
115

Qore Khadar M. Dhako

Burco (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa kulan la qaatay Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala gobolka iyo isu-duweyaasha Wasaaradaha iyo hay,adaha dawlada ee Gobolkaas.

Kulanka uu guddoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax la qaatay Hay’addaha Caalamiga ah ee iyo isu-duweyaasha Wasaaradaha iyo hay,adaha dawlada ee Gobolka ka hawlgala ayaa lagaga wadahadlay xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka Togdheer iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Tog-dheer ayaa sheegay in looga baahanyahay Hay’addaha Caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaadhsiiyaan dadka abaartu saamaysay ee ku dhaqan gobolka. Saraakiil ka socday hay,adaha Caalamiga ah ayaa ka warbixiyay xaalada abaareed ee ka jirta Gobolka Togdheer.waxaanay tilmaameen in ay ka qaybqaadan doonaan gurmadka abaarta.

Sidoo kale isu-duweyaasha Wasaaradaha dawlada ee gobolka Togdheer ayaa ka warbixiyay xaalada abaareed ee ka jirta Gobolka Togdheer. waxaana kulankan ku wahelinayay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Todheer Siciid Axmed Raage.