“Soomaaliya Waxa la Gudboon in ay Garato Danaheed oo aanay ku Mashquulin Somaliland

0
81

Hargeysa (Dawan) Tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland waxaa dagaal aan kala joogsi lahayn ku hyay Somaliland koxo kala duwan oo ka soo jeeda Soomaaliya,kuwaan oo marxalado kala duwan soo maray balse isku raacsanaa markasta Somaliland ma jirto oo waa gobol ka mid ah Soomaaliya,taas oo aan ahayn wax xaqiiq ah bale ah marwaba hadalka kasoo yeedhayay kooxaha kala duwan ee u kala dambeeyay Soomaaliya tan iyo 1991-dii.

Kooxihii ugu horreeyay oo ahayd koox uu u soo cuaadaday kelidiii Taliyihii laga Xoreeyay Somaliland isla markaana Soomaaliya firdhadka kaga baxay ee Siyaad Barre oo uu madaxweyne usii cumaamaday Cali Mahdi Maxamed oo markiiba ku dhawaaqay dawlada aan cidina dooran koonfurta Soomaaliyaha heshiis ku ahayn bales isaga iyo kooxihii kale ee ka soo hr jeeday ee Soomaaliya waxay ku midaysnayeen oo isku raacsanaayeen waxay ahayd Somaliland ma jirto.

Laga soo bilaabo maalintaas ahayn marki Somaliland dadkeeduna ay goosteen in ay la soo noqdaan madaxbanaanidoodii ka luntay lixdankii iyo illaa maanta oo kooxo badan oo kala duwan oo kala aragti fog oo is-diidani ay soo mareen Soomaaliya hada waxaa wax lala yaabo ah in iyaga oo isku wada cadaw ah oo aan is bixinayn oo aan dadkooda bixinayn oo isdiidada dhexdooda taala ay hahay qudh gooyo iyo dhiig daadin in ay hadana isku raacsan yihiin Somaliland ma jirto iyo gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa.

Haddaba waxaa wax lala yaabo ku ah qaranka Somaliand Shacab iyo dawlad ba sababta nacaybta aan xadka lahayn ay ugu hayaan Somaliland iyo dadkeeda kooxaha kala duwan ee Soomaaliya ku hirdamaya hadday yihiin kuwa teendhada lagu dponto ee caalamku waar diyeeyo iyo hadday yihiin kuwa nabad diidka ah ee argagixidada ah ee dunid adagaalka kula jira waa maxay sababta ku midaysay dagaalka ka dhanka ah Somaliand.

Waxaan odhan karnaa waa u quudhi waa nololeed oo ay Soomaaliya madaxdeeda kala duwani kula kacayaan Somaliland,halka Somaliland dawladeeda iyo dadkeedu aanay marnaba ku fooganayn dagaal ka dhan ah Somaliland.

Imika maamulka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan sheekh Maxamuud iyo mucaaridka kula loolamaya talada Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ee soomaaliya ka dagaalama ayaa intuba isku raacsan dagaalka ka dhanka ah Somaliland,taasina waxay muujinaysaa sida madaxda Soomaaliya ee ku fashilantay rejo soo celinta dadkeedu sida ay wakhti iyo maalba ugu bixinayaan dagaalka Somaliland.

Taas bedelkeeda Madaxda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay dadkooda iyo dalkooda u tudhaan oo ay danta umadooda ka shaqeeyaan halka ay kaga foogan yihiin Somaliland.

Ugu dambayn Somaliland maaha dal cadaw ku ah dalalka deriska oo ay Soomaaliya ka mid tahay laakiin Soomaaliya madaxdeeda ayaa ku hawlan markasta dibin daabyada Somaliland waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliya ay madaxdooda kula xisaabtamaan sabbata ay markasta cadawga ugu yihiin Somaliland.

Marnaba Somaliland dhib kuma hayso Soomaaliya waxaana looga baahana yahay shacabka Soomaaliya in ay madaxdooda aan dhiigooda baajin Karin kula xisaabtamaan cadaawada ay u abuureen ee ka dhanka ah Somaliland.