Ku dhawaad 6 ka mid ah 10-kii qof ee Maraykanka ah ayaa diiday go’aanka Maraykanka ee ah inuu tallaabo militari ka qaado Iiraan, maadaama inta badan ay sheegayaan in dagaal milatari oo muddo dheer ah uu u badan yahay inuu dhexmaro labada dal, sida ay sheegay ra’yi ururin cusub oo CNN ay samaysay SSRS.
Sahanka, oo la sameeyay wax yar ka dib markii weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen dagaalka Iiraan, ayaa lagu ogaaday in aqlabiyadda dadku ay shaki ka muujinayaan sida Madaxweyne Donald Trump uu u maareeyay xaaladda. Inta badan waxay sheegeen in aanay ku kalsoonayn Trump inuu go’aannada saxda ah ka gaadho isticmaalka xoogga ee Maraykanka uu ku hayo Iiraan, iyada oo 60% ay sheegeen in aanay u malaynayn inuu haysto qorshe cad oo uu ku maareynayo xaaladda, halka 62% ay qabaan inuu helo oggolaanshaha Kongareeska si uu u sameeyo tallaabo milatari oo dheeraad ah.
In ka badan rubuc (27%) ayaa dareemay in Maraykanku uu dadaal ku filan ku bixiyay diblomaasiyadda Iiraan ka hor inta aanu adeegsan awood militari, halka 39% ay sheegeen in Maraykanku aanu marka hore si adag isugu dayin diblomaasiyadda boqolkiiba 33% waxay qabaan in aanay hubin.
Sahanka ayaa la sameeyay Sabtidii iyo Axaddii, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ayatollah Ali Khamenei , hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, uu ku dhintay weerarrada, inta badan ka hor intii aanay soo bixin wararka sheegaya dhimashada lix askari oo Maraykan ah .
Guud ahaan, boqolkiiba 59% dadka Maraykanka ah ayaan xaqiijin go’aankii hore ee lagu weeraray Iiraan, iyada oo 41% ay ogolaadeen. Boqolkiiba 44% ayaa sheegaya inay taageersan yihiin Maraykanka oo isku dayo inuu afgembiyo dowladda Iiraan, halka 56% ay ka soo horjeedaan taas.
Dhinaca ciidan lugta ah oo la geliyo Iraan, boqolkiiba 12% keliya ayaa doorbidi lahaa in ciidamada dhulka ee Maraykanka loo diro Iraan, halka 60% ay ka soo horjeedaan, boqolkiiba 28%-na aanay hubin.
Sidaas oo kale aqlabiyad dadka oo boqolkiiba 56% ah, ayaa sheegaya inay u arkaan iskahorimaad milatari oo muddada dheer ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iraan ugu yaraan suurtogal yahay. Trump oo Isniintii la weydiiyay inta uu dagaalku socon karo, ayaa yidhi, “Ma doonayo inaan arko inuu aad u dheeraanayo. Mar walba waxaan u maleynayay inay qaadan doonto afar toddobaad.”
Sahan gooni ah oo CNN samaysay bishii Janaayo ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka Maraykanka u arkeen Iraan mid aan saaxiibtinimo lahayn oo cadow ku ah Maraykanka (89% waxay dareemeen sidaas). Sahanka CNN ee la sameeyay 2000, waxay jawaabtu la mid ahayd sidaas oo kale 10-kii qofba 7 ka mid ah ayaa sidaa rumaysnaa.
Rayi ururintan cusub oo dadka la weydiiyey waxay dadka filayaan tallaabadan milateri dad yar ayaa u arka in tallaabadan milatari ay yareyn doonto khatarta uu Maraykanku kala kulmi karo Iraan. Laakiin inta badan, 54%, waxay sheegayaan in Iraan ay noqon doonto khatar ku soo fool leh Maraykanka natiijada tallaabadan military la dib. Xitaa kuwa guud ahaan ansixinaya tallaabada milatari, qiyaastii 40% ku qanacsana inay yareyn doonto khatarta ka imaanaysa Iraan.
Natiijooyinka ra’yi ururinta ayaa si dhow ula socda aragtiyaha xagaagii hore ee ra’yi ururin CNN ay samaysay ka dib markii Maraykanku uu duqeymo ka geystay Iraan oo ujeedadeedu ahayd in la yareeyo awoodda nukliyeerka ee dalka. Isbeddellada guud ee ra’yi ururinta tan iyo markaas waa kuwo yar, laakiin guud ahaan dhammaantood waxay ka leexdeen taageerada tallaabo militari oo ka dhan ah Iiraan.






















