Daraasad cilmi ah ayaa sheegtay in dadka dhalinyarada ah ee cuna kalluunka ugu yaraan hal mar
toddobaadkii ay caqli ahaan aad u koraan, marka la barbar dhigo kuwa da.dooda ah ee aan
kalluunka. Waxa Cilmi-baadhistan lagu ogaaday in carruurta iyo dhalinyarada kalluunka cunata
ugu yaraan hal mar toddobaadkii ay caan ku yihiin xirfad iyo karti maskaxeed oo ugu yaraan
boqolkiiba lix ka badan qayrkood, iyo in mar kasta oo ay sii bataan tirada xilliyada uu ilmaha
ama qofka dhalinyarada ahi cunayo kalluunka ay sii badato darajada maskaxdiisu ka sarrayso
qarykii.
Xeel-dheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey oo ka tirsan jaamacadda Gothenburg ee dalka
Sweden ayaa sheegay in ay baadhitaan heerka fariidnimada ah ku sameeyeen dhalinyaro lab ah
oo tiradoodu ka badan tahay 3,972 (Saddex kun, Sagaal boqol iyo toddobaatan iyo Laba) ruux,
waxaana u soo baxday in cunista kalluunku ay si weyn u dhisto maskaxda una caawiso
firfircoonideeda shaqo.
Iyaga oo cilmi ahaan sheegaya sababta uu kalluunku cuntooyinka kale badankooda kaga duwan
yahayna waxa ay xeel-dheerayaashu sheegeen in kalluunka ay ku jiraan maaddooyin ka qayb
qaataan koriinka saxda ah ee maskaxda.

























