Faallo: Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ku dhisan hannaan dimuqraadi ah, waxay muddo 34 sanno ah ku hawlanayd in ay dunida tuso in ay tahay deegaan nabdoon oo leh aragti dhaqaale iyo fursado maalgashi oo furan. Fursadaha ay soo bandhigtay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, ganacsiga, maalgashiga, khayraadka dabiiciga ah iyo xasilloonida siyaasadeed ayaa si togan u beddeleen aragtida beesha caalamka ee ku aaddan doorkeeda Geeska Afrika iyo in ay tahay qaran ku dhisan nidaam ku saleysan nabad, wada-tashi, doorashooyin iyo hay’ado shaqeeya, taas oo saldhig u ah kalsoonida ay maanta ku naaloonayso.
Mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee istaraatiijiyadda xukuumadda Somaliland waa horumarinta maalgashiga caalamiga ah iyo xoojinta doorka Dekedda Berbera oo noqotay albaab istaraatiiji ah oo isku xidha Geeska Afrika iyo suuqyada Bariga Dhexe iyo Aasiya. Iyada oo heshiisyada maalgashi ee lala galay Imaaraadka Carabta (UAE) ay sare u qaadeen tayada iyo awoodda adeegyada dekedda, taas oo saamayn ku yeelatay kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaana si weyn u xoojisay saamaynta dhaqaale iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee caalamiga ah.
Dhinaca siyaasadda, fursadahan dhaqaale waxay Somaliland siisay miisaan dheeraad ah. Dalalka danaynaya marin-badeed ammaan ah iyo lammaane la isku halayn karo oo ku yaalla marinada istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxay si dhab ah u qiimeeyeen doorka ay Somaliland ka ciyaari karto xasilinta iyo kobcinta iskaashiga gobolka. Arrintani waxay sare u qaadday xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo wada-shaqaynta caalamiga ah, taas oo sii xoojisay joogitaanka Somaliland ee masraxa siyaasadda caalamka.
Tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ay qaadday xukuumadda wadajir iyo waxqabad muddadii ay xilka haysay waxay dunida u muujiyeen in Somaliland ay tahay lammaane istaraatiiji ah, xasilloon, isla markaana leh aragti fog oo ku wajahan horumar waara. Sidaa awgeed, fursadaha ay Somaliland dunida u soo bandhigtay maaha oo keliya kuwo dhaqaale; balse waa kuwo siyaasadeed oo leh miisaan iyo saamayn qoto-dheer. Isku darka muhiimadda juquraafiyadeed ee istaraatiijiga ah, marin-biyood muhiim ah, nabad iyo siyaasad maalgashi oo furan ayaa ka dhigay Somaliland mid si tartiib ah uga dhex ifaysa masraxa caalamka.
Gabagabadii, Somaliland maanta waxay isu taagtay tusaale ifaya oo muujinaya sida qaran isku tashaday, nabad ku dhisan, isla markaana leh aragti fog uu u kasban karo kalsooni iyo qadarin caalami ah. 34 sano oo xasillooni, doorashooyin isdaba-joog ah iyo hay’ado shaqeeya ayaa ka dhigay qaran lagu faano laguna daydo. Waxay caddeysay in horumar iyo dawladnimo lagu gaadhi karo midnimo, wada-tashi iyo kalsooni bulsho. Shaki kuma jiro in Somaliland ay sii xoojin doonto kaalinteeda nabadeed iyo dhaqaale, isla markaana ay noqon doonto iftiin rejo oo ka dhex ifaya Geeska Afrika oo mudan qaddarin, aqoonsi iyo taageero caalami ah.






















