Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somailand, ahna ku simaha Wasiirka Mudane Muuse Askar Guulleed ayaa la kulmay La-taliyeyaasha Wasaradda Warfaafinta. Kulankaasi waxa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo kor u qaadista waxqabadka guud. Sidoo kale, waxa lagu falanqeeyey isbeddellada siyaasadeed ee ka socda mandaqada iyo sida ay Wasaaradda Warfaafintu ula jaanqaadi karto xaaladaha cusub, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorka warbaahintu ku leedahay difaaca iyo horumarinta qaranimada.
Kulankan Wasiirka iyo la-taliyeyaasha wasaaradda warfaahintu ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo ku dhisan aragti fog oo qaran oo ka baxsan kulamada iyo shirarka caadiga ah. Waxa uu ahaa kulan xambaarsan farriin ka weyn kulamada shaqo oo joogtada ah. Waxa uu ahaa kulan tilmaamaya in Wsaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland ay u diyaargarowday marxaladda cusub ee dalku galay, gaar ahaan aqoonsiga caalamiga ah iyo difaacidda qaranka oo u baahan aragti fog, mideyn, iyo dardargelin dhab ah.
Wasaaradda Warfaafintu oo ah halbowlaha isku xidha dawladda iyo bulshada Jamhuuriyadda Somailland, waa hay’adda qaranka u qaabilsan hagidda, wacyigelinta, faafinta farrimaha qaranka, difaaca sumcadda dalka, iyo hubinta saxnaanta xogaha gaadhaya muwaadiniinta iyo beesha caalamka. Sidaa awgeed, kulankan ayaa ah mid leh muhiimad gaar ah, maadaama uu diiradda saarayo isbeddellada siyaasadeed ee ka taagan mandaqada iyo xaaladaha is rog-rogaya ee gobolka ka jira oo u baahan feejignaan, firfircooni iyo qorshayaal cad cad oo si xeel dheer ula jaanqaadi karta duruufaha taagan, iyo gudashada waajibaadka qaran si hufan oo waxtar leh.
Dhinaca kale, maadaama la-taliyeyaashu ay door muhiim ah ku leeyihiin jihaynta siyaasadda Wasaaradda, sla markaana wada-tashigu saldhig u yahay maamul-wanaagga iyo go’aan qaadashada saxda ah, sidaa darteed kulankan waxa xoogga lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda, waana tallaabo xambaarsan muhiimad gaar ah, maadaama xilliyada isbeddelku ay u baahan yihiin hay’ado leh aragti fog, karti iyo awood ay si degdeg ah ugaga jawaabaan xaaladaha cusub iyo duruufaha soo kordha, isla markaana u maareeya si xeel dheer oo qorshaysan.
Ugu dambayn, Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland oo qaranka u haysa masuuliyad culus iyo waajibaad qaran oo ballaadhan, iyada oo tallaabooyinka noocan ah ee ku dhisan wada-tashi, qorsheyn iyo dardargelin shaqo waxay muujinayaan in wasaaradda ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta hannaanka warfaafinta iyo difaaca danaha qaranka.
Wasaaraddu waa muraayadda qaranka, waana codka rasmiga ah ee Somaliland kaga hadasha arrimaheeda gudaha iyo dibaddaba. Marka ay hoggaankeeda iyo la-taliyeyaasheedu muujiyaan isku duubni, aragti fog iyo hawlkarnimo, waxa sii xoogaysanaya kalsoonida lagu qabo hay’adaha dawladda iyo awoodda qaranku u leeyahay inuu si midaysan uga jawaabo caqabadaha jira.
Sidaas darteed, kulankan iyo jihada cusub ee lagu wajahayo hawlaha wasaaradda waxay mudan yihiin bogaadin iyo dhiirrigelin. Haddii la joogteeyo wada-shaqaynta, hal-abuurka iyo la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah, Wasaaradda Warfaafintu waxay sii ahaan doontaa tiir adag oo lagu ilaaliyo qaranimada, laguna xoojiyo midnimada iyo sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland.






















