Cibaadooyinka Muhiimka Ah Bisha Ramadaanka!

0
66

Bisha Ramadan waa wakhti Muslimiintu aad ugu dadaalaan ka faa’iidaystaan camalada wanaagsan ee ay qabanayaan. Waxa jira 10 cibaado oo kuwa ugu abaalmarinta bisha Ramadaan:  Soomka : Waa cibaadada ugu weyn ee bisha Ramadaan. Qofka si daacad ah oo Allah dartiis ah u sooma waxa uu helayaa abaal weyn iyo dambi-dhaaf.

Akhrinta Qur’aanka : Qur’aanka waxaa la soo dejiyay Ramadaan, waana cibaadooyinka ugu khayrka badan akhrintiisu bisha Ramadaan. Salaadda Taraawiixda: Waa salaad habeenkii la tukado Ramadaan. Waxay kordhisaa iimaanka iyo ajarka.

Ducada: Ramadaanku waa waqti ducadu aad la aqbalo. Gaar ahaan waqtiga afurka ka hor.

Sadaqada : Caawinta dadka baahan waxay leedahay ajar badan. Ramadaan dhexdeena abaalku wuu sii kordhaa.  Quudinta qof sooman: Qofka afur siiya qof sooman wuxuu helaa ajar la mid ah kan qofka sooman.   Salaadda Tahajud: Waa salaad habeenkii qaybta dambe la tukado. Waa cibaado aad u fadli badan.   Xuska Alle (Dikriga): in la badiyo tasbiixda, takbiirta iyo mahadnaqa Allah ayaa ka mid camalada muhiimka ah.

Raadinta Habeenka Qadriga: Habeenka Laylat al-Qadr wuxuu ka khayr badan yahay 1000 bilood. Waxaa badanaa laga raadiyaa 10-ka dambe ee Ramadaan , waana mid muhiim ah in qofka kasta oo muslim ahi ku dadaalo raadintiisa siu u helo camal hal habeen ah oo u dhigamaya abaal ka badan 1000 bilood.