Guddoomiye Ramaax oo ka Hadlay Kiiska Raashinka la Dhacay iyo Ganacsato loo Xidhxidhay

0
80

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Burco(Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, mudane Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo ka hadlayay kiiska Raashin la dhacay iyo ganacsato loo soo xidhay kiiskaas oo la nu yahay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in kiisku fadhiyo isuduwaha hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo kaydka raashinka oo uu sheegay in uu ka faa’iidaystay firaaq maamul oo uu helay.

Waxaanu intaa raaciyay in wali ay socoto baadhista kiiskaas, sidoo kale illaa hadda la la’ yahay Isuduwihii Hay’adda Ka Hortagga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee gobolka Togdheer oo kiiska loo haysto laguna hawlan yahay sidii loo soo qaban lahaa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo ku saabsan in raashin badan la dhacay, isaga oo xusay in waxa goobta yaalay ay ahaayeen Bariis iyo Timir, hawshaasna gacanta lagu hayo.

“Hawshii Raashinka la dhacay baadhis ayaa socota wali, laakiin waxa la waayay ninkii masuulka ka ahaa, tuhunkana waxa na galiyey waa maqnaanshiyihiisa, waana lagu maqan yahay sidii loo soo qaban lahaa. Waxaa dareenka keenay Raashin Ceerigaabo loo rarayey ayuu 2 kun oo Kartoon suuqa kasoo iibiyey.dabadeed Karaatoontii suuqa taalay iyo tii meesha taalay ayaa kala sawir noqday inankuna isagaa isku noqday Kayd haye iyo Isuduwe ba, waxaana inankaasi uu helay Firaaq maamul, haddan waxa lasoo xidhxidhay rag ganacsato ah oo wax dhex mareen baadhistii way socotaa nin walba cuqubadiisu wuu ka heli doonaa waxba yaan la buunbuunin wixii maqanina way soo bixi doonaan” Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa sidan ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlayay magaalada Burco.