Qore: Faysal Xiis Afgaab
Saylac (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Salel mudane Axmed Dhegayare ayaa beeniyey wararka sheegaya in dagaal ka dhacay magaalada Saylac ee gobolka Salel iyo deegaanada hoosyimaada. Waxaanu intaa ku daray in gobolku nabadgelyo yahay wax dhibaato ahina imika aanay ka jirin,taas bedelkeedana waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaado doono cid kasta oo ku kacda fafal nabadgelyo darro ka abuuri kara gobolka.
Waxaa kale oo uu farriin u diray shaqaaalaha dawladda ee heer gobol iyo war baahinta oo uu sheegay in aan loo dul waadan doonin saxaafada ku kacda ama baahisa warar been abuur ah oo nabadgelyo darro abuuraya,halka uu shaqaalaha uga digay in ay ku milmaan arrimana beelaha.
Guddoomiyaha gobolka oo shir guddoomiyay shalay shirka gudida nabadgelyada gobolka Selel,ayaa kulankaa ka dib waxay soo saareen go’aammo lagu adkaynayo nabad gelyada gobolka Selel.
Guddoomiyaha gobolka oo xaaladda guud ee gobolka ka hadlayay ayaa yidhi.“Waxaan u sheegayaa Bulshada JSL in Gobolka Salel dhamaantii tuulo, degmo ilaa caasimad uu ku sugan yahay nabad. Wax ka jiraa ma jiraan wararka sheegaya dagaal baa ka dhacay Saylac, waxaana uga digeynaa dadyowga warxumo tashiilka ah ee faafinaya wararka beenta ah ee aan waxba ka jirin”Guddoomiyaha Gobolka Salel
Dhinaca kale go’aamada nabadgelyada lagu adkaynayo ee ka soo baxay gudida nabadgelyada gobolka Selel,ayaa u dhgnaa sidan.
1- In aan warbaahin lasoo gelin karin wax, wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida gobolka Salel, ciddii ku kacdana sharciga la waafajin doono
2- In aan la aqbali karin xaflad reeraysan oo amniga wax u dhimi karta
3- Shaqaalaha ku milma arrimaha reeraha jn talaabo sharci ah laga qaado
4- Cid kaste oo ay ku caddaato abaabul nabadda wax u dhimaya in sharciga la waafajin doono






















