“Istiraatiijiyada Somaliland ee Isku Xidhka Ganacsiga Caalamiga ah iyo Aqoonsiga Siyaasadeed” Warbixin: Horn Vision

0
91

Berbera Gambit: “Saamaynta Juqraafi-Siyaasaddeed iyo Istaraatiijiyadda Somaliland ee Dekeda Berbera”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn Vision ayaa soo bandhigtay falanqayn qoto dheer oo ku saabsan istiraatiijiyadda geesinimada leh ee loo yaqaanno “Berbera Gambit,” taas oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo dekedda Berbera u beddelaysa halbawle dhaqaale oo aan si fudud looga maarmi karin. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qorshahani ku salaysan yahay aragti fog, taas oo ku dhisan awood dhaqaale iyo muhiimad juqraafiyeed oo Somaliland u horseedi karta aqoonsi siyaasadeed iyo xasillooni istiraatiiji ah, xilli uu sii xoogeysanayo loolanka quwadaha waaweyn ee Geeska Afrika.

Horn Vision waxay warbixinteeda ku daraasaysay istiraatiijiyadda wax ku oolka ah ee ay adeegsanayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dadaallada diblomaasiyadeed ee ku xeeran horumarinta Dekedda Caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo warbixintu xustay in sannadka 2026 uu calaamad u yahay marxalad muhiim ah oo horumar u ah Somaliland, maadaama ay oo ay kulmisay arrimo waaweyn oo ay ka mid yihiin koboca ganacsiga caalamiga ah, loolanka quwadaha waaweyn ee Geeska Afrika, iyo damaca sii kordhaya ee Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed rasmi ah.

Warbixintu waxay iftiiminaysaa sida horumarka iyo isbeddelka ka socda Berbera uu u saameyn karo qaab-dhismeedka ganacsiga gobolka, dheelitirka awoodda juqraafi-siyaasadeed, iyo mustaqbalka dhaqaale ee Somaliland. Sidoo kale, warbixintu waxay falanqayn ku samaysay horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Somaliland. Iyada oo xustay in isku-dhafka arrimahani ay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ka dhigayaan goob muhiimad ballaadhan u leh isku xidhka ganacsiga caalamka. Taasina ay si weyn u kordhinayso muhiimaddeeda istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka dhigayso meel ay isugu yimaadaan danaha dhaqaale iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed ee gobolka.

Waxaa kale oo warbixintu soo bandhigtay koboca ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, tartanka dekedaha Bariga Afrika, iyo baahida sii kordheysa ee marinnada istiraatiijiga ah ee dalalka aan badda lahayn. Waxaana lagu xusay “Berbera ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn isugu soo bandhigtay inay tahay xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xidhka Geeska Afrika iyo suuqyada caalamiga ah ee saadka iyo ganacsiga.”

Warbixintu waxay xustay saddex arrimood oo muhiim u ah guusha Berbera iyo guud ahaan horumarka Jamhuuriyadda Somaliland: Warbixinta oo arrimahaasi falanqayn iyo lafa-gur ku samaynaysa ayaa lagu yidhi: “Berbera Corridor: waa waddada isku xidha Berbera iyo Addis Ababa, taas oo noqotay marin ganacsi oo muhiim ah, isla markaana si toos ah ula tartamaysa dekedda Jabuuti. Iskaashiga DP World iyo Somaliland: waa iskaashi istaraatiiji ah oo u dhexeeya Somaliland iyo shirkadda DP World kaas oo suurto-geliyay maalgashi dhan $442 milyan, taas oo dekedda Berbera ka dhigtay deked heer caalami ah (World-Class Terminal) iyo Aqoonsiga Dhaqaale ee Somaliland, kaas oo ah istiraatiijiyad dunida ku qasabtay inay la macaamisho Somaliland sababo la xidhiidha amniga maraakiibta iyo saadka ganacsiga, taas oo si tartiib ah u kordhinaysa saameynta Somaliland ee ganacsiga gobolka.”

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Berbera aanay ahayn oo keliya goob ganacsi, balse ay tahay barroosin istiraatiiji ah (Strategic Anchor). Maadaama ay ku taallo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, isla markaana ay soo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn sida Maraykanka, Shiinaha, iyo dalalka Isbahaysiga Carabta. Waxaana lagu yidhi “Berbera maaha oo kaliya goob ganacsi, laakiin waa Barroosin Istiraatiijiyadeed (Strategic Anchor). Maadaama ay ku taal marin-biyoodka Bab el-Mandeb, waxay soo jiidatay indhaha Maraykanka, Shiinaha, iyo Isbahaysiga Carabta. Somaliland waxay nafteeda u soo bandhigtay inay tahay saaxiib amni oo lagu kalsoonaan karo, marka loo eego deegaannada kale ee Gobolka Geeska Afrika oo ay ka jiraan xiisado iyo xasillooni darro baahsan”.

Warbixinta ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee Horn Vision ayaa lagu soo gabagabeeyay in sannadka 2026 uu noqon karo sannad si weyn u soo bandhiga guusha iyo istiraatiijiyadda “Berbera Gambit.” Waxaanay xustay in haddii maalgashiga iyo horumarka Somaliland ay si habsami ah u sii socdaan, ay Berbera isu beddelayso xuddunta dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka ee Bariga Afrika. Ugu dambayn, warbixintu waxay sharaxday kelmadda “Gambit” oo asal ahaan ka timid ciyaarta shaxda (Chess-ta), taas oo tilmaamaysa xeelad istiraatiiji ah oo lagu bixiyo wax yar si loo helo faa’iido weyn mustaqbalka ah.