Saliidda Kalluunka ee Omega-3 waa Furaha Caafimaadka Jidhka iyo Maskaxda

0
83
Fish oil pills and fresh fish on light background

Barnaamijkeena kalluumeysiga ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona saliidda kalluunka (Omega-3) iyo faa’iidooyinka ay u leedahay caafimaadka jidhka.

Saliidda kalluunka waa nafaqo muhiim ah oo qani ku ah Omega-3 fatty acids, taas oo ka caawisa jidhka caafimaad iyo awood, haddii aan la cunin kalluunka, waxa kale oo lagu heli karaa dawooyinka laga sameeyo Omega-3.

Saliida Kaluunku waa mid ka mid ah waxyaabaha la isticmaalo kuwooda uga faa’idada iyo waxtarka badan, waxaanay qani ku tahay Omega 3 Fatty Acid, oo u wanaagsan caafimaadka.

Saliida Kalluunku waa dux ama saliid laga soo saaro nudaha kaluunka, haay’ada caamifaadka ee adduunka ee WHO waxay soo jeedisay in  toddobaadkii hal ama laba jeer lagu darsado cuntooyinka kala duwan ee uu qofku isticmaalayo, si uu uga helo awood jidheed oo buuxda, sidoo kale saliidani waxa ay ka hortagta xannuuno kala duwan.

Saliida Kalluunku waxay hoos u dhigtaa qaar ka mid ah xanuunada wadnaha lala xidhiidhiyo, balse ma jiraan waxyaabo cadaynaya inay ka hortagi karto xanuunada sida, wadno istaaga iyo faaliga ama qalalka.

Maskada aadamuhu waxay ka sameysan tahay 60% dux in badan oo ka mid ahina waa Omega 3 Fatty acids, sidaa darteed xanuuno badan oo maskaxda ku dhaca waxaa la arkay in ay natiijo wacan oo horumar ah ay ka soo baxday ka dib isticmaalkeeda.

Buurnida ama cayilka, waxa lagu qeexaa marka halbeega lagu cabiro miisaanku uu ka kor maro 30 BMI, sidaa darted waxay sabab u noqon kartaa, xanuunada wadnaha, macaanka nooca labaad iyo kanserka.

Saliida Kaluunku waxay yareysaa cabirka dhexda, marka la barbar dhigo cunada dheeliga tiran iyo jimicsiga.

Sida ay maskadu ugu baahan tahay saliida kaluunka ayey indhuhu ugu baahan yihiin, waxaana ku jira Vitamin A, waxay ka hortagtaa xanuunada indhaha ku dhaca.

Saliida Kalluunku waxay si xoogan uga hortagtaa bararka jidhka waxaanay yareysaa calaamadihiisa, gaar ahaana ka isgoysyada ee roomatisanka loo yaqaan.

 

Maqaarku waa xubinta ugu weyn jidhka waxaana ku jira xadi badan oo ah Omega 3 fatty acids, ,maqaarku wuxuu isbedelaa amaa dhalan rogmaa marka uu gaboobo ama cadceed badani ku dhacdo.

Haddaba, qaadashada saliida Kalluunku waxay innaga caawisaa sidii aynu u heli lahayn maqaar caafimaad qaba.

Omega-3 waxay ,mihiim u tahay hooyada uurka leh iyo ilamaheeda si uu koro, waxay kobcisaa garaadka iyo kana cawisa aqoonta.

Xanuunada beerka ku dhacaa waxay ku badan yijiin dadka  buuran ama cayilan, haddab saliida Kalluunku waxay hoos u dhigtaa beerka subaga.

Waxa la saadaalinayaa in 2030 ka uu noqon doono xanuun sabaha labaad ee ugu badan, sida la ogaadayna  dadka uu hayo waxa ku yar dhiigooda Omega 3.

Qaadashada Omega 3, ayaa hoos u dhigta qalqaaliga iyo habdhaqanka xun ee caruurta, xilliga waxbarashada iyo koriinka.

Nuxurka fariinta barnaamijkan  

Barnaamijkani waxa uu ka hadlayaa muhiimadda saliidda kalluunka (Omega-3) iyo faa’iidooyinka caafimaad ee ay jidhka u leedahay.

Omega-3 waa nafaqo muhiim ah oo laga helo kalluunka ama dawooyinka laga sameeyo, waxayna ka qayb qaadataa caafimaadka wadnaha, maskaxda, indhaha iyo maqaarka.

Sidoo kale waxay yareysaa bararka jidhka, cayilka iyo dufanka beerka, waxayna faa’iido u leedahay haweenka uurka leh iyo carruurta maadaama ay ka caawiso koritaanka iyo kobcinta garaadka.

Guud ahaan, fariinta barnaamijku waa in qofku si joogto ah u isticmaalo Omega-3 si uu u helo caafimaad jidheed iyo maskaxeed oo wanaagsan.