Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegayay in Cristiano Ronaldo uu ka tagi karo Al-Nassr si uu ugu laabto mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, gaar ahaan Premier League. Wararkaasi waxay keeneen dood badan oo ka dhacday Sacuudiga, maadaama Ronaldo uu kooxda ku biiray 2022 kadib markii uu ka tagay Manchester United.
Waxaa sidoo kale jiray hadal sheegaya in Ronaldo uu ka xanaaqay taageerada dhaqaale ee sanduuqa maalgashiga Sacuudiga uu siiyo Al-Hilal SFC, taasoo uu aaminsan yahay inay ka badan tahay tan la siiyo Al-Nassr.
Si kastaba ha ahaatee, khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Fabrizio Romano ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Ronaldo uu ku biiri karo Chelsea. Isagoo ka hadlayay barnaamij toos ah oo kanaalkiisa YouTube, Romano wuxuu sheegay in wararkaasi aannay wax sal ah lahayn.
Romano ayaa yidhi: “Waxaan arkay dad badan oo isku lifaaqaya Ronaldo iyo Chelsea, laakiin ma garanayo halka uu warkan ka yimid. Dad badan ayaa i weydiiyay maalmahan, laakiin runtii wax xidhiddh ah ma laha Ronaldo iyo Chelsea. Warkan gabi ahaanba waa been.”
Diidmadan ayaa timid kadib markii warbaahinta Portugal ay sheegtay in Ronaldo uu qandaraaskiisa Al-Nassr ku leeyahay qodob u oggolaanaya inuu si bilaash ah uga tago bisha June, inkastoo uu heshiiskiisa ku kordhiyay ilaa 2027.






















