Kooxda Arsenal ayaa dhigtay laba rikoor kadib markii ay u gudubtay wareegga quarter-final-ka ee tartanka FA Cup Sabtidii.
Arsenal ayaa 2–1 kaga adkaatay Mansfield Town, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Eberechi Eze iyo Noni Madueke. Guushan ayaa sidoo kale xaqiijisay in kooxda hoggaanka u haysa Premier League ay gaadho wareegga sideedda kooxood ee ugu dambeeya FA Cup.
Sida ay sheegtay shirkadda tirakoob yada kubadda cagta ee Opta, guushan ayaa ka dhigtay Arsenal inay gaadho 35 guul dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan (8 barbaro iyo 3 guuldarro). Tiradan ayaa ka dhigaysa Arsenal kooxda ugu badan ee guulo gaadhay xilli ciyaareedkan marka la eego shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.
Sidoo kale tani waa tiradii ugu badnayd ee guulo ah oo ay Arsenal gaadho hal xilli ciyaareed intii uu tababaraha ka ahaa Mikel Arteta. Rikoodhkii hore wuxuu ahaa 34 guul oo ay gaadheen xilli ciyaareedkii 2023–24.
Arsenal ayaa hadda rajaynaysa inay sii kordhiso rikooradan marka ay la ciyaareyso Bayer 04 Leverkusen kulan ka tirsan UEFA Champions League bartamaha toddobaadkan.






















