Golaha Khubarada ee Iiraan ayaa si weyn u go’aamiyay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas ka dib markii hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, lagu dilay weerar ay qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil.
“Ra’yi go’aan qaadasho leh oo aad u xooggan oo matalaya aragtida aqlabiyadda – ayaa la sameeyay,” ayuu yidhi xubin ka tirsan golaha deegaanka Ayatollah Mohammad Mehdi Mirbagheri oo ku jira muuqaal ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Fars oo ay taageerto dowladda Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, lama shaacin magac. Mirbaqeri wuxuu yidhi “xaaladahan adag ee jira iyo shaqada oo la doonayo in si taxaddar leh loo qabto si aan loogu murmin ayaa dib u dhigaya.” Wakaalada wararka ayaa intaa ku dartay in hadda wax walba ay ku xidhan yihiin madaxa Xoghayaha Golaha Khubarada, Hosseini Bushehri, kaas oo hadda mas’uul ka ah ku dhawaaqista go’aanka si cad.
Khamenei , oo xukunka hayay ku dhawaad afartan sano, ayaa la dilay isaga oo aan lahayn dhaxal-suge rasmi ah, taas oo u daysay doorashada.
Dhinaca kale Milatariga Israa’iil ayaa digniin u diray Iiraan oo ku aaddan inay sii wadi doonto raadinta iyo beegsiga qof kasta oo beddelaya hoggaamiyihii geeriyooday ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei.
Qoraal ay soo dhigtay bogga X, oo ay ku qortay difaaca Isreal oo ku qoran luqadda Farsiga ayaa lagu yidhi: “Golaha Khubarada ee Iiraan, oo aan muddo tobanaan sano ah shirin, ayaa dhawaan isugu imaan doona magaalada Qom.”
“Waxaan idiin sheegaynaa in gacanta Dowladda Israa’iil ay sii wadi doonto raadinta qof kasta oo beddelaya iyo qof kasta oo doonaya inuu magacaabo qof beddelaya.”
“Waxaan uga digaynaa dhammaan kuwa doonaya inay ka qayb qaataan shirka xulashada dhaxal-sugaha inaanan ka labalabeyn doonin inaan adigana bartilmaameedsanno. Tani waa digniin!”






















