Barnaamijka Deegaan-jire ee Wargeyska Dawan waa barnaamij wacyigelin iyo falanqayn ku salaysan oo diiradda saaraya ilaalinta deegaanka, kobcinta fahamka bulshada, iyo iftiiminta saamaynta ay isbeddellada cimiladu ku yeeshaan nolosha dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Barnaamijkani waxa uu u taagan yahay in bulshada lagu baraarujiyo qiimaha deegaanka iyo doorka ay dadku ku leeyihiin ilaalintiisa, maadaama deegaanka caafimaad qaba uu saldhig u yahay nolol waarta iyo horumar bulsho.
Qaybtan labaad ee barnaamijka, waxa ay diiradda saaraysa saamaynta abaaraha soo noq-noqda iyo xidhiidhka ay la leeyihiin isbeddelka cimilada. Abaaruhu waxa ay noqdeen dhibaato sii kordhaysa oo si joogto ah u saameeya deegaannada badan ee dalka, taasi oo dhibaato ku keenta nolosha dadka, dhaqaalaha bulshada, iyo jiritaanka kheyraadka dabiiciga ah.
Barnaamijkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa sida abaaruhu u noqdeen caqabad soo noq-noqota oo si weyn u taabanaysa deegaanka iyo nolosha bulshada, gaar ahaan dhulka daaqa oo sii yaraanaya, kheyraadka biyaha oo hoos u dhacaya, iyo xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dadka reer miyiga iyo guud ahaanba Somalilande. Waxa kale oo aynu falanqayn doonaa sababaha keena in abaaruhu bataan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada adduunka, xaalufka dhirta, dhul-daaqsimeedka oo si xad-dhaaf ah loo isticmaalo, iyo isticmaalka aan qorshaysnayn ee kheyraadka dabiiciga ah.
Abaarta soo noq-noqota ayaa saamayn weyn ku yeelatay deegaanka, gaar ahaan dhirta iyo guud ahaan nidaamka dabiiciga ah ee deegaanka. Marka abaartu soo noqnoqoto, roob la’aanta iyo kulaylka sii kordhaya waxay sababi karaan in dhulku qalalo, taasi oo keenta in dhirta badan ay engegaan ama si tartiib tartiib ah u dabar go’aan. Arrintani waxay horseeddaa xaalufka dhirta, taasi oo si toos ah u dhaawacda isku dheelitirka deegaanka.
Dhirta ayaa door muhiim ah ka qaadata ilaalinta bilicda deegaanka iyo joogtaynta nolosha noolaha ku nool. Markay dhirtu yaraato ama baaba’do, deegaanka ayaa lumiya quruxdii dabiiciga ahayd ee uu lahaa, dhulkii cagaarnaa wuxuu isu beddelaa dhul qallalan oo nabaad-guur u nugul. Taasi waxay sidoo kale saamayn ku yeelataa xoolaha iyo duurjoogta ku tiirsan dhirta, maadaama ay waayaan hoygii iyo cuntadii ay ka heli jireen deegaanka.
Intaa waxaa dheer, abaartu waxay meesha ka saartaa anfacaadka badan ee ay dhirtu bulshada u leedahay, sida hadhka,gabaadka quudinta xoolaha, ilaalinta ciidda, iyo qayb ka mid ah ilaha nololeed ee dadka reer miyiga. Dhirta iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah waxay laf-dhabar u yihiin nolol maalmeedka bulshada, sidaa awgeed marka ay abaartu keento xaaluf iyo hoos u dhac ku yimaadda kheyraadkaasi, waxaa sii adkaada nolosha dadka iyo xoolahooda.
Sidaa darteed, abaarta soo noq-noqota ma saameyso oo keliya roobka iyo biyaha, balse waxay si qoto dheer u taabataa deegaanka, dhirta, noolaha, iyo nolosha bulshada. Taasi waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada ilaalinta deegaanka, dib-u-beerista dhirta, iyo wacyigelinta bulshada si loo yareeyo xaalufka dhirta loona badbaadiyo kheyraadka dabiiciga ah ee jiilasha mustaqbalka.
Sidoo kale waxa ay Abaartu wiiqdaa Xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland,waxaanay ku keentaa cuduro iyo inay noqdaan kuwo ku dhawaada inay dabar go’aan.

























