Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL ayaa saxeexday qandaraaska Koronto galinta xarumaha waxbarashada ee Gobolada Maroodi-jeex, Awda, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.
Munaasibad lagu saxeeyay Qandaraaska xarumaha waxbarashada shanta gobol lag saxeexay oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi,ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaaradda.
Mashruucan koronto-gelinta xarumaha waxbarashada ee gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Togdheer, Saaxil iyo Sanaag ayaa ujeedadiisu tahay in koronto ku filan la gaadhsiiyo iskuullada si loo tayeeyo loona kordhiyo tayada waxbarashada, sidoo kalena loo kordhiyo xilliyada waxbarashada, taas oo suurto-gelin doonta in waxbarashadu socoto habeen iyo maalinba.
Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunku, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, waxa koronto ku filan oo la isku halayn karo uu siin doonaa xarumo waxbarasho oo tiradoodu gaadhayso 57 iskuul oo ku kala yaalla gobollada dalka.
Mashruucani waxa uu rakibi doonaa nidaamka cadceedda (solar) iyo baytariyo, taas oo fududayn doonta isticmaalka qalabka casriga ah sida kombiyuutarrada, nalalka iyo shaashadaha casharrada laga daawado xilliyada uu macallinku maqan yahay. Arrintani waxay kor u qaadi doontaa tirada ardayda iyo tayada waxbarashada, sidoo kalena waxay suurto-gelin doontaa in iskuulladu shaqeeyaan habeen iyo maalinba.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa kula dardaarmay qandaraaslaha ku guulaystay shaqadan inuu ilaaliyo tayada shaqada isla markaana ku dhammeeyo muddada loo cayimay, si iskuulladaasi u helaan koronto bilaash ah, la isku halayn karo isla markaana nadiif ah oo aan waxyeello u geysan deegaanka.
Gabagabadii, qandaraaslaha ku guulaystay mashruuca koronto-gelinta iskuullada ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono tayada shaqada isla markaana ku dhammayn doono muddada loo cayimay, si loo gaadho yoolka mashruuca oo ah in xarumaha waxbarashadu helaan koronto bilaash ah, la isku halayn karo isla markaana ka timaadda ilo nadiif ah oo aan waxyeello u geysan deegaanka.






















