Burco (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa shalay dib u furey xarunta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo muran ka taagannaa maalmihii u dambeeyay. Maamulkeeda Jaamacadda ayaa sheegay jn Jaamacaddu tahay mid qaranku leeyahay, sidoo kalena shahaadooyinkeeda ay saxeexi jireen Wasiirka Caafimaadku.
Dhiaca kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay waalidiinta ardayda wax ka barta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee magaalada Burco inay ka war hayaan ubadkooda oo aanay danahooda ku seegin dano uu carrab dhabay in ay dad gaar ahi leeyihiin.
“Waxaan Bulshada Burco u caddeynayaa in Jaamacaddani tahay mid dalku leeyahay oo xukuumaddu masuul ka ahayd. Mar haddii digreeto soo baxday waa in maamulka cusub hawlihiisa si fiican u gutaa, Waalidkana waxaan ugu baaqayaa danta caruurtiinu yaanay ku dhex lumin qof dano leh” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.






















