Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga Xog Ururinta, Maaraynta Barakaca iyo Yareynta Khataraha Socdaalka

0
85

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo), ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda IOM, gaar ahaan qaybta DTM, kulankaas oo ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda IOM, iyada oo si gaar ah looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada xog ururinta, maaraynta barakaca iyo yareynta khataraha socdaalka.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqaynta ka dhaxasysa Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda caalamiga ah ee IOM, si loo helo xog sax ah iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara ka hortagga khataraha la xidhiidha socdaalka iyo taageeridda dadka nugul.

Madaxda wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL ayaa kulanka ka sheegay in iskaashiga labada dhinac uu muhiim u yahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan barakaca, xaaladaha bani’aadannimo, iyo khataraha la xidhiidha socdaalka, si qorsheyaal wax ku ool ah loo sameeyo.

Masuuliyiinta ayaa iftiimiyay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in ay kor u qaaddo iskaashiga ay la leedahay IOM, iyada oo xooga la saarayo dhanka xog ururinta, falanqaynta, iyo maaraynta barakaca si loo xaqiijiyo in dadka nugul ay helaan adeegyada lagama maarmaanka ah. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in wada-shaqayntu ay tahay mid kaalin weyn ka qaadanaysa yareynta khataraha la xidhiidha socdaalka sharci-darrada ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Masuuliyiinta IOM ayaa dhinacooda ku ammaanay dadaalka Wasaaradda ee la xidhiidha ilaalinta dadka barakacay iyo qorsheynta adeegyada bani’aadannimo. Waxay sheegeen in xogta la ururiyo ay muhiim u tahay fahamka baahiyaha dadka iyo dejinta istaraatijiyado wax ku ool ah oo ka hortagaya khataraha socdaalka, isla markaana gacan ka geysanaya taageeridda dadka nugul ee u baahan gargaar.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqaynta, iyadoo la sameyn doono habab cusub oo fududeynaya is-weydaarsiga xogta, qorsheynta mashruucyada, iyo dabagalka barnaamijyada. Waxa kale oo la isla gartay in iskaashigan uu ka caawin doono Wasaaradda iyo IOM in ay si hufan uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan kuwa khuseeya dadka barakacay iyo kuwa nugul ee ku jira xaalado adag.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo masuuliyiinta IOM waxay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo iskaashiga mustaqbalka, si loo helo qorsheyaal wax ku ool ah, xog sax ah, iyo adeegyo bani’aadannimo oo u gaar ah dadka u baahan, isla markaana ay muhiim tahay in loo wada shaqeeyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ilaalinta xuquuqda aadanaha.