Waa Inaad Taqaan Heerkaaga
Laba nin oo saaxiib ah ayaa safar dheer wada galay, markii ay daaleen, oo wadadiina ay ka kalumeen ayay geed weyn hadhkiisa fadhiisteen.
Mid ka mid ah saaxiibada ayaa ku yidhi: “ Haddii aan geedka dushiisa fuulo, waxaan arki karaa jidka saxda ah ee aynu doonayno.”
Saaxiibkii kale ayaa yidhi : “Haa, laakiin haddii aad fuusho, waxaa laga yaabaa inay iskaga ka dhex khaldamaan halkii aan ka nimi iyo Meesha aan u socono, ama waddo dib inoo celinaysa aynu raacno, marka waa in ay ku caddahay halka aynu ka nimi, iyo wadooyinka isku noqnoqda.”
Markaas ayay fahmeen arrinka, laakiin waxay go’aansadeen in marka hore ay qorsheeyaan jidka, oo cadeeyeen goobta ay ka yimaadeen ka dibna ay geedka fuulaan si ay u arkaan meel fog iyo wadadaasi aanay ahayn mid dib ugu soo laabta halka ay ka yimaadeen.
Markii ay sidaas sameeyeen, waxay arkeen jidka saxda ah iyagoo wadooyinka isku noqnoqonaya ka badbaaday, waxaana ay gaadheen magaaladii ay rabeen.
Halku dhegga sheekadu waa : mararka qaarkood, si aad u gaadho meesha saxda ah ee rabto , waa inaad marka hore garanayso halka aad ka timi, inta aanad go’aamin halka aad u socoto. Marka aad rabto inaad horumar ka samayso dhinacyo kala sida aqoonta, dhaqaalaha iyo xirfadaha kale, waa in marka hore aad taqaano heerka aad taagan tahay si aad halkaasi kor uga sii socoto. Haddii aanad heerkaaga ogayn ma ogaan kartid heerka aad gaadhayso.






















