Fadliga 10-ka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan waa kuwo aad u weyn oo muhiim u ah Bulshada Muslimiinta ah. Tobankan habeen waa fursad weyn oo lagu kasbado dambi dhaaf, ajar badan, iyo in Ilaahay lagu dhowaado.
Habeenadan Waxaa ku jira habeenka Laylat al-Qadr, oo ka khayr badan 1000 bilood.
Allah (sw) Quraanka ku cadeeyay, Cibaadada hal habeen oo Laylatul Qadri ah la Sameeya waxay ka fadli badan tahay cibaado la sameeyo in ka badan 83 sanadood oo kale.
Rasuulka Allah (scw) marka ay soo galaan 10-ka dambe, waxa uu ku dadaali jiray cibaadada. Waxaana uu toosin jiray qoyskiisa si ay u cibaadaystaan habeenka oo dhan.
Habeenadan bisha Ramadaan ugu danbeeya waa wakhti aad u qiimo badan, waa inaad ducaysto , Quraanka la akhriyo, sadaqada la bixiyo.

























