Iran waxay furaysaa marin biyoodka Hormuz haddii shidaalka adduunka lagu iibsado yuan-ka Shiinaha

0
78

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu weerari doono kaabayaasha shidaalka ee Jasiiradda Kharg ee Iiraan haddii Tehran ay sii waddo xannibaadda maraakiibta ka soo gudbaya marin biyoodka Hormuz.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku “gebi ahaanba uu baabi’iyay bartilmaameed kasta oo militari” oo ku yaallay jasiiradda, kaas oo maamula qiyaastii 90% dhoofinta saliida ceedhinn ee Iiraan.

Dhanka kale, sarkaal sare ayaa u sheegay CNN in Iiraan ay ka fiirsanayso inay u ogolaato tiro kooban oo maraakiibta shidaalka ah inay maraan Marinka Hormuz, hadii la tixgelinayo dalabka ah in xamuulka saliidda lagu kala iibsado yuan-ka Shiinaha.

Tallaabadan suurtagalka ah waxay imaanaysaa iyada oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ka shaqeyneyso qorshe cusub oo lagu maareynayo qulqulka shidaalka ee mara marin biyoodka, sida uu ilo-wareedku sheegay.

Saliidda caalamiga ah waxaa lagu kala gataa doollar ahaan, marka laga reebo saliidda Ruushka ee la mamnuucay, taas oo lagu kala gato doollar ama yuan.

Walaaca suuqa ee ku saabsan marin biyoodka, oo ah marin muhiim u ah tamarta adduunka, ayaa qiimaha saliidda gaadhsiiyay meeshii ugu sarreysay tan iyo bishii July 2022, xagaagii ka dib markii Ruushku uu weeraray Ukraine.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ka digtay in xayiraadaha lagu soo rogay socodka maraakiibta ee marin biyoodka ay “saameyn weyn” ku yeelan doonaan dadaallada bani’aadamnimada inta uu dagaalku socdo.

“Marka maraakiibtu joojiyaan inay maraan marinkaas, cawaaqibku si dhakhso ah ayuu u socdaa,” ayuu yidhi Tom Fletcher, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadamnimada. “Cuntada, daawada, bacriminta iyo sahayda kale way adkaanaysaa in la raro oo qaali ayey noqonaysaa in la gaadhsiiyo adduunka.”