Qatar oo dadkeeda ku amartay inay ka guuraan goobaha danaha Maraykanka ee Doha

0
82

Wax yar ka dib saqdii dhexe ee habeen hore magaalada Doha, dadka ku nool degmada dhexe ee Musheireb waxay heleen digniino Telefoonka loo soo mariyey waxa lagu amray in ay ka baxaan degaanka, waxa loo sheegay in ay tagaan meesha ugu dhow ee nabdoon si ay uga hortagaan weerar suurtagal ah.

Qaar ka mid ah dadkii deegaanka iyo martida hoteellada ayaa ku cararay goobaha bannaan ee baabuurta la dhigto ee dhulka hoose si ay u helaan hoy.

Kadib abbaaro 01:30 (22:30 GMT) magaalada oo dhan ka dhacay buuq xooggan. Xubin ka tirsan dadka degaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay arkeen qaraxa, kaas oo si kooban u shiday cirka magaalada dusheeda. Taas waxaa ku xigay qaraxyo meelo fog-fog ah.

Waxa kale oo loo sheegay dadka in ciidamada Qatar ay soo rideen gantaal labaad.

Meelaha la siiyey amarrada daadgureynta, waa meelaha ay yaalaan danaha dhaqaale ee Maraykanka ujeedaduna waa in ay yihiin bartilmaameed. Iraan ayaa horraantii toddobaadkan sheegtay in ay meelahaasi yihiin bartilmaameedyo sharci ah.

Xafiisyada Google iyo American Express ayaa ku yaal deegaankan Musheireb, sidoo kale xafiisyada dowladda Qatar qaarkood ayaa meeshaas ah.

Meelo ka mid ah deegaanka loo yaqaano 12-acre ah oo lagu magaacabo Education City oo ay ku yaalliin lix laamood oo jaamacadaha Maraykanka ah ayaa sidoo kale laga daadgureeyay dadka. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qatar ayaa horay u shaacisay in la faaruqiyo dhowr meelood si khatar looga hor tago.

Nooca khatarta weli lama oga, laakiin Qatar waxay u badan tahay weerar oo gantaal ah oo ay Qatar qabtay habeen hore iyo shalayba.  Meelo kale oo safaaradaha Maraykanka ka mid ah ayaa weli halis ku jira.