Kooxda kubadda cagta ee ragga Iraan oo ka jawaabayey hadal uu sheegay Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii ku gacan saydhay hadalka Trump, kaas oo uu Trump ku sheegay inuu “soo dhaweynayo” kooxda Iraan. Kooxda Iraan ayaa soo jeediyay in Maraykanka laga saaro Koobka Adduunka, iyaga oo sheegay inuu gardaro ku duqaynayo wadan ka qayb gelaya tartanka uu marti gelinayo.
Trump in kasta oo sheegay inuu soo dhoweyn doona kooxda Iraan, hadna waxa uu walaac ka muujiyay in bed qabkoodu ku habboon yahay inay yimaadaan iyo in kale.
“Hubaal, cidna kama saari karto xulka qaranka Iraan Koobka Adduunka; waddanka kaliya ee laga saari karo waa mid sita magaca ‘martigelinta’ haddana aan lahayn awood uu ku sugo amniga kooxaha ka qaybgalaya dhacdadan caalamiga ah,” ayay kooxda Iiraan ku tidhi hadal ay ku daabaceen baraha bulshada .
Khamiistii hore, Trump wuxuu ku soo qoray bogga Truth Social : “Kooxda Kubadda Cagta Qaranka Iiraan waa lagu soo dhaweynayaa Koobka Adduunka, laakiin runtii ma aaminsani inay habboon tahay inay halkan joogaan, naftooda iyo badqabkooda awgood.”
Horraantii toddobaadkan, Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa sheegay in Trump uu u xaqiijiyay in kooxda Iiraan ay “soo dhaweynayaan” inay ka qayb galaan tartanka, kaas oo lagu qaban doono Waqooyiga Ameerika oo dhan.






















