Pep Guardiola Oo Daaha Ka Rogay 2 Dhibaato Oo Ay Kooxdiisa La Daalaa-dhaceyso Xilli Ciyaareed Kaan

0
78

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay meelaha ay kooxdiisu u baahan tahay inay horumariso kadib barbarihii 1-1 ee ay la galeen West Ham United.

Kulankii ka dhacay London Stadium ayaa sababay in City ay lumiyaan labo dhibcood oo muhiim ah oo ka caawin lahaa tartanka horyaalka, waloow hoggaanka ay hayso Arsenal.

Ciyaarta waxaa goolasha kala dhaliyay Bernardo Silva oo City u dhaliyay iyo Konstantinos Mavropanos oo West Ham u barbareeyay.

Guardiola ayaa qirtay in kooxda ay la daalaa dhacayso hal-abuur xumi dhanka weerarka iyo dhameystir la’aan dhanka fursadaha ah xilli ciyaareedkan.

“Ugu dambeyntii waxaan u baahannahay hal-abuur, waxaana la dhibtoonay arrintaas xilli ciyaareedkan,” ayuu yidhi Guardiola.

Wuxuu sidoo kale ku daray in City ay u baahan tahay inay ku fiicnaato aagga ugu dambeeya ee garoonka si ay fursadaha ugu beddesho goolal.

“Waa inaan ku fiicnaano aagga ugu dambeeya ee garoonla. Ma aanan sameynin taas, waxaana tan aragnay kulamo badan xilli ciyaareedkan,” ayuu ku soo gabagabeeyay.