Dhulka Soomaalidu ku nooshahay waxa uu caan ku yahay xoolo-dhaqashada, waana halka ay ka soo baxdo inta badan nolosha iyo dhaqaalaha bulshada reer miyiga. Xooluhu ma aha oo keliya hanti, balse waa laf-dhabarta nolol maalmeedka dadka. Si kastaba ha ahaatee, xoolaha waxa marar badan saameeya abaarta, biyo yaraanta iyo daaq la’aanta.
Si xoolaha looga badbaadiyo dhibaatooyinkan, waxaa jira hab dhaqameed iyo qorshe deegaan oo muhiim ah: in saarayaasha la xidho xilliga roobka, isla markaana la furo marka la galo xilliga abaarta ama jiilaalka. Nidaamkan ayaa noqda kayd daaqeed oo xoolaha lagu badbaadin karo marka xaaladuhu adkaadaan.
Marka roobku da’o, dhulku wuxuu noqdaa mid cagaaran, caws iyo dhir badanna way ka soo baxaan. Hase yeeshee, haddii xoolaha si degdeg ah loogu sii daayo dhulkaas, cawskii cusub si dhaqso ah ayuu u dhammaan karaa.
Sidaa darteed, xoolo-dhaqatada iyo khubarada deegaanka ayaa ku talinaya in qaar ka mid ah dhulalka daaqa loo asteeyo saarayaal, kuwaas oo la xidho si cawska iyo dhirtu u koraan una noqdaan kayd mustaqbalka loo isticmaalo.
Marka abaartu timaaddo, dhulkii hore loo xidhay ayaa la furaa, waxaana xoolaha loo oggolaadaa inay ka daaqaan. Tani waxay ka caawisaa xoolaha inay ka badbaadaan gaajo iyo dhibaatooyinka ay keento abaartu.
Haddaba Seeraha Banka Aroori waa mid ku yaal gobolka togdheer gaar ahaan barriga magaalada Burco waana mid baaxadiisu aad ay u balaadhan tahay kaasi oo loogu talogalay ina xoola dhaqatda deegaanku ay ka faa’iidaystaan xiliyada abaarta ah isla markaana ay yaraadaan baadka iyo biyuhu halka xiliyada Guga ama xilli roobaadka laga xidho xoolaha si dhulka iyo daaquba ay u nastaan.
Seeraha banka arooriya ayaa loo siidaayey xoolaha si ay ugaga baxaan xilliga abaarta oo haatan ay abaarta guud ahaan Somaliland ka jirtaa ay marayso meel aad u adag isla markaana gobolada qaar laga dayrinayo xaalada biyo iyo baad la,aaneed taasi oo keentay in xoola dhaqato aad u tiro badani ay ka hayaamaan deegaanadooda isla markaana u guuraan deegaano aad uga fog si ay xoolaha ula doontaan meel ay kaga badbaadaan abaarta.
Banka aroori ayaa ah meelaha sida gaarka ah wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu ay gacanta ugu hayso halkaasi oo xiliyada guga laga xidho xoolaha si daaqa iyo dhirta kale ee halkaas ka baxdaa ay u noqdaan mid xiliyada jilaalka ama abaarta xoolaha anfaca.
Waxa seeraha lagu wareejiyey xayndaab ka samaysan Silig aad u wayn oo ka ilaaliya in ay xooluhu soo galaan wakhtiyada ay halkaasi xidhan tahay, haddaba wakhtigan oo guud ahaan Somaliland ay ka jiraan abaaro aad u darani ayaa seeraha Banka Aroori waxa uu noqday mid xoola aad u tiro badan ay ku badbaadaan ka dib markii dhawaan xoolaha loo furay waxana ay xooluhu goobta ka heleen Baad iyo Biyo iyo sidoo kale adeegga caafimaadka xoolaha oo ay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu ay u diyaarisay.
Dr Cabdiweli Maxamuud Cabdi waa maamulaha seeraha banka Aroori, warbixin uu siiyey Tv-ga Saab oo halkaasi booqday xilli seeraha markaas uun la furay ayaa waxa uu faahin ka bixiyey nidaamka seeraha ay u maamulaan, tirada xoolaha ee sanadkan timid seeraha iyo sidoo kale adeegyada kala duwan ee xoolaha halkaasi ugu diyaarka ah.
”waxanu xoolaha u furnay banka Aroori iyada oo ay jiraan abaar laba jirsatay meelaha qaarna ay tahay abaartu mid saddex jirsatay, xooluhu hadda waxa ay daaqayaan halkan muddo dhowr iyo labaatan cisho ah, waa ay ku baxeen xooluhu ilaa muddo dambana waa ay sii daaqi karaan, xoolaha halkan yimid Geelu waa illaa 30kun, Adhiguna waa ilaa 2malyan, waxa iskugu soo guuray xoola dhaqato aad u badan oo qaar kood ay ka yimaadeen meelo aad u fog-fog”ayuu yidhi maamulaha Banka Aroori.
mid ka mid ah xoola dhaqatada ay xoolahoodu fursada u helaan in ay ka soo qaybgalaan daaqa Banka Aroori oo hadlay ayaa waxa uu yidhi ”waxaan joognaa seeraha Banka Aroori oo ay iskugu yimaadeen xoolo aad u tiro badan oo iskaga kala yimid deegaano aad u kala fog, xooluhu barwaaqo ay ka heleen oo ay ka daaqayaan, waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha iyo dowladii xidhay Banka Arooriyaad, waxaanu leenahay, waxa jooga dhakhaatiir Biyona waa aanu helay, way mahadsan tahay xukuumaddu”sidaasi waxa yidhi Oday waayeel ah oo ka mid ah xoola dhaqatada xoolahooda keenay Banka Aroori.
Hooyo waayeel ah oo ka mid ah dadka xoolahooda la soo doontay daaqa Seeraha Banka Aroori ayaa waxa ay sheegtay in xoolaha ay ka keeneen deegaano ay ka jirto abaar aad u daran, waxa ay sheegtay in xoolaheedu Banka Aroori ay ka heleen Daaq, halka sidoo kale ay sheegtay in xoolaheeda dhakhaatiirta wasaaradda xanaanada xoolaha ka tirsan ee goobta joogay ay u fidiyeen adeeg daawayn ah.
”xaaluf wayn baanu joognay, xooluhu waxba may cunayn, waanu ku liibaanay intii dawladu halkan taarka nooga furtay, xanaanada xooluhuna aad iyo aad ayey noola shaqaysay xoolihiina waa ay noo dawaysay, xooluhu waa ay ku badhaadheen”ayaa ay tidhi Hooyo ka hadashay waxa ay xoolaheedu kala kulmeen furitaanka Seeraha Banka Aroori.
Waxa kale oo ay intaasi ku dartay ”waxan ku darilaa haddii dowladu noo karayso in bananka ay xidhayso ay noo kordhiso sida Banka Tuunyo, xooluhu sidan Bankan oo kale ayey xiliyadda abaarta darani ay jirto ugu baxsan lahaayeen, inta ay meelaha kale soo wareegayaan kayd ayey u noqon lahayd, waxa wanaagsan in aan shacabku aanay ka hor imaan wakhtiyada Bananka dowaladu ay xidhayso, waxa fiican in ay lashaqe”yaan”.
Dadka xoola dhaqatada ah ee xoolahoodu ay nasiibka u heleen inay ka mid noqdaan xoolaha Banka Aroori soo gaadhay ayaa wax yaabaha ugu badan ee ay soo jeediyaneyeen ama ay dowlada ka codsanayeen waxa uu ahaa in wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga iyo dowladuba ay iska kaashadaan sidii ay u xidhi lahaayeen seerayaal kale sida Banka Aroori oo kale si xooluhu wakhtiyadan ay jiraan abaaraha darani xooluhu ugu baxaan.
Isuduwaha wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Togdheer oo wayraysi siiyey Saab Tv isagoo ku sugan badhtanka Seeraha Banka Aroori ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada uu xoolaha u lee yahay saraha Banka Aroori iyo wakhti xaadirkan sida ay xooluhu ugu badbaadeen.
“Xooluhu waxa ay soo galeen seerahan iyagoo ku jira xaalad degdega ah oo haragoodu aad u ururay oo gaajo aad u tabaalaysay, waxa kala kulmeen Barwaaqo, waa ay dhergeen waanay ka fuqeen, waxa ay heleen Caws, Biyo iyo adeeg Caafimaad” ayuu yidhi isuduwaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee gobolka Togdheer.























