“Somaliland waxay si firfircoon uga dhex-muuqataa siyaasadda Bariga Dhexe” Warbixin: Wargeyska Orissa Post
Qore Axmed M. Saleebaan
London (Dawan) Warbaahinta Ingiriiska laga leeyahay ee Orissa Post ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn uga dhex muuqanayso isbeddelka siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Warbixintan oo uu diyaariyay Janusz Bylinski, oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Poland, ayaa iftiimisay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo u dhow marin-badeedka Bab Al-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ay maraan maraakiib badan oo ganacsi oo caalami ah.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in tallaabadii ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ay wax ka beddeshay siyaasadda gobolka, isla markaana go’aankaasi uu keenay in dalal badan ay dib uga fiirsadaan joogitaankooda iyo danahooda gobolka. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in go’aanka Israa’iil uu horseed u noqday isbeddel ballaadhan oo ku yimid isku-dheellitirka awood cusub iyo dib-u-qaabayn siyaasadeed oo gobol.
Wargeyska Orissa Post, waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay “26-kii Diseembar, Israel waxay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, iyada oo sheegtay inay buuxinayso dhammaan shuruudaha aasaasiga ah ee dawladnimada ee ku xusan sharciga caalamiga ah, shuruudahaasi oo uu qeexayo Heshiiska Montevideo ee 1933. Sida ku cad heshiiskaas, dawladi waa inay leedahay dad joogto ah, dhul cayiman, dowlad shaqaysa, iyo awood ay xidhiidh kula samayn karto dalal kale.”
Warbixintu waxay intaas ku dartay in aqoonsiga dawladda Israa’iil ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland aanu ahayn go’aan degdeg ah, balse uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo ku soo beegantay dadaallada ay Somaliland ku doonayso inay kor ugu qaaddo sumcadeeda caalamiga ah, iyo qorshayaasha ay Israel ku rabto inay dib u qaabayso nidaamka amniga ee gobolka.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Somaliland ay tahay dawlad leh nidaam dimuqraadi ah, dowlad shaqaysa, ciidan iyo lacag u gaar ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland ay tan iyo xiliggaas ku jirtay hannaan dawladnimo oo hufan iyo xaalad siyaasadeed oo madax-bannaan oo aan arrimaheeda gudaha faragelin lagu samayn.
Wargeyska Orissa Post ayaa sidoo kale xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xafiisyo wakiillo ah ku leedahay dalal dhowr ah, isla markaana ay xidhiidh iyo iskaashi caalami ah la leedahay dalal badan oo caalamka ah. Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay in Soomaaliya ay beesha caalamku u aragto dal fashilmay oo ay ragaadiyeen colaado sokeeye, qalalaase siyaasadeed, iyo dhibaatooyin amni.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay leedahay hannaan dhaqaale oo madax-bannaan, isla markaana ay hodan ku tahay khayraadka xoolaha nool sida ido, lo’, iyo geel, kuwaas oo badankood loo dhoofiyo dalalka Khaliijka, taas oo qayb weyn ka ah dhaqaalaha dalka. Warbixintu waxay kaloo xustay in Somaliland ay leedahay mid ka mid ah hantida istaraatiijiga ah ee ugu qiimaha badan uguna muhiimsan adduunka, taas oo ah dekedda Berbera.
Intaa waxa dheer, warbixintu waxay sheegtay in dalalka Yurub, gaar ahaan Boqortooyada Midowday (UK), ay ka mid yihiin kuwa ugu firfircoon taageerada horumarinta dhaqaalaha Somaliland, maadaama ay hore u ahayd maxmiyad Ingiriis ah. Sidoo kale, dekedda Berbera ayaa lagu tilmaamay xarun isku xidha shabakad ballaadhan oo dekedo iyo garoomo diyaaradeed ah oo ku fidsan Afrika, taas oo Somaliland siinaysa muhiimad juqraafiyeed iyo saameyn siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah.
Sida ay sheegtay warbixinta Orissa Post, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan soo jeediyay qorshe loo yaqaan “Hexagon of Alliances” (lix-geesood xulafo ah). Isbahaysigan ayaa la rumaysan yahay inuu ka koobnaan karo Israel, Greece, Cyprus, India iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika, waxaana la aaminsan yahay in qorshahan ay qayb weyn ka tahay Jamhuuriyadda Somaliland.






















