Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda UNICEF ayaa shalay si rasmi ah u kala saxeexday qorshe hawleedka wada shaqaynta 2026/27 ee hay’adda UNICEF iyo dawladda Somaliland. munaasibad lagu soo bandhigay Qorshe hawleedka 2026 ilaa 2027 ee ay Hay’ada UNICEF kula shaqayn doonto Wasaaraddaha iyo Hay’adaha dalka dawladda ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Munaasibaddan oo si rasmi ah ay labada dhinac ugu wada saxeexeen heshiiskooda wadashaqayneed, ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno kamida golaha golaha Wasiiradda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda iyo masuuliyiinta hay’adda UNICEF ee Somaliland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha waxqabad ee lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada horumarinta bulshada.
Qorshahan wada-shaqayneed ayaa mudnaan siinaya horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo fayadhowrka, nafaqada, iyo siyaasadaha bulshada, si loo kordhiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo ay bulshadu helaan hooyooyinku ka faa’iidaystaan.
Heshiiskan ayaa ah hannaan cusub oo lagu mideeyay wada-shaqayntii hore ee UNICEF la lahayd wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Somaliland, kuwaas oo hore heshiisyo gaar gaar ah ula geli jiray. Waxaana la isla qaatay in heshiisyadaas la mideeyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qarankuna ay noqoto hay’adda matasha Dowladda Somaliland ee dhinaca wada-shaqaynta iyo isku-duwidda barnaamijyada ay UNICEF dalka ka fuliso.
Barnaamijkan wada-shaqayneed waxa fulintiisa ku lug yeelan doona wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo ka tirsan Dawladda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasaaradaha caafimaadka, biyaha, waxbarashada, deegaanka, shaqada iyo arrimaha bulshada, caddaaladda, arrimaha gudaha, maaliyadda, dawladaha hoose, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.
Masuuliyiintii ka hadashay munaasibadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Dowladda Somaliland iyo UNICEF, iyagoo tilmaamay in qorshahani door weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta xuquuqda carruurta, iyo xoojinta dadaallada horumarineed ee dalka.






















