Hargeysa (Dawan) Sarreeye Guuto Admiral Axmed Hurre Haarriye, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), ayaa sheegay in xeebaha Somaliland ee dhererkoodu yahay 850 km ay yihiin kuwo nabadgelyo buuxda leh, ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo. Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad shalay lagu soo xidhay tababar caalami ah oo loogu talagalay saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Tababarkaasi oo diirradda lagu saaray xirfadaha ilaalinta xeebaha, ka hortagga budhcad badeedda, iyo la dagaalanka falalka argagixisada ah, iyada oo sidoo kale lagu baranayey farsamooyinka casriga ah ee amniga badda lagu sugayo.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in muddo 34 sanno ah oo Somaliland ay si buuxda u maamulaysay xeebaheed aanay jirin wax falal argagixiso ama budhcad badeed ah oo laga diiwaan geliyey ama ka dhacay xeebahaas aadka u dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in tan iyo markii Somaliland dib u heshay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, ay xeebaha iyo badda Somaliland ahaayeen amni buuxa oo aan wax khatar ahi ka jirin.
“Badda Jamhuuriyadda Somaliland waa mid nabadgelyo ku jirta. 850-ka kiiloomitir ee xeebaha Somaliland kamay dhicin wax falal argagixiso ama budhcad badeed ah. Tan iyo 1991 ilaa hadda, amniga xeebaha Somaliland waa mid joogto ah oo buuxda, tan iyo 1991-kii ilaa hadda baddeenu waxay ahayd mid aan nabadgaliyadeedu isbadelin oo amnigeedu buuxo.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hurre Haarriye.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ilaalada Xeebaha ay tahay inay sii wadaan dadaalkooda, isla markaana dadaalkaas loo labanlaabo si amniga badda Somaliland loo xoojiyo. Waxa uu xusay in ilaalinta xeebaha ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee amniga dalka, maadaama baddu ay muhiim u tahay dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isu socodka caalamiga ah ee dekedaha Somaliland.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa muddooyinkii dambe ku tallaabsaday horumar la taaban karo, iyaga oo helay tababaro caalami ah, qalab casri ah, iyo xidhiidho caalami ah oo ay la sameeyeen ciidamo kale oo caalami ah si loo sugo amniga badda. Taliyuhu wuxuu xusay in tababarka la soo xidhay uu sare u qaadayo xirfadaha saraakiisha, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababar joogto ah si ay ula tacaalaan khataraha cusub ee ka dhici kara badda.
Intaa waxaa dheer, Taliyuhu wuxuu caddeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in ay sii waddo ilaalinta xeebaha, isla markaana ay ka hortagto falalka argagixisada iyo budhcad badeedda. Waxa uu shacabka iyo ganacsatada ugu baaqay in ay taageeraan ciidanka, si ay amniga badda u sii wataan. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ilaalinta xeebaha Somaliland aanay kaliya muhiim u ahayn ciidamada, balse ay saameyn toos ah ku leedahay nabadgelyada iyo horumarka guud ee dalka.
Warbixinta Taliyaha ayaa muujinaysa in xeebaha Somaliland ay noqdeen meel nabadgelyo leh, taas oo ka duwan qaar ka mid ah xeebaha gobolka oo ay ka dhaceen falal amni darro. Waxa uu caddeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in ay sii waddo maamulka wanaagsan ee xeebaha, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidamada iyo xidhiidhada caalamiga ah ee dalalka kale si looga hortago khataraha badda ka imaan kara.






















