FIFA ayaa ganaaxyo ku soo rogtay xulalka qaranka ee Nigeria iyo DR Congo kadib dhacdooyin anshax-xumo ah oo ka dhacay kulankoodii isreeb-reebka qaaradda ee Koobka Adduunka 2026 bishii Nofeembar ee sanadkii hore.
Sida lagu sheegay warbixin anshaxeed oo ay soo saartay guddiga garsoorka ee FIFA, xidhiidhka kubadda cagta Nigeria (NFF) iyo kan DR Congo (Fecofa) labadaba waxaa lagu helay dambiyo kala duwan oo dhacay intii lagu jiray ciyaarta.
FIFA waxay ku ganaaxday NFF lacag dhan 1,000 faran Swiss (qiyaastii $1,270; £950), kadib markii la ogaaday in xidhiidhku ku guuldareystay inuu hubiyo “nidaam iyo amni” ku filan, gaar ahaan markii taageerayaal ay tuureen walxo intii ciyaartu socotay.
Dhacdadan waxaa loo arkay xadgudub ka dhan ah Qodobka 17.2.b iyo Qodobka 17 ee xeerka anshaxa FIFA.
Dhanka kale, xidhiidhka kubadda cagta DR Congo waxaa lagu ganaaxay 5,000 faran Swiss, kadib markii taageerayaashooda lagu helay inay isticmaaleen “laser pointers ama qalab elektaroonig ah oo la mid ah”, taasoo jebinaysa Qodobka 17.2.d.
Nigeria waxay sugaysaa go’aanka FIFA
Final-kii isreeb-reebka Afrika ee la ciyaaray 16-kii Nofeembar 2025 magaalada Rabat ee dalka Morocco, ayaa ku dhammaaday si xiiso leh, iyadoo DR Congo ay ku badisay rigooreyaal 4-3 kadib markii waqtigii dheeriga ahaa lagu kala baxay 1-1.
Natiijadan ayaa meesha ka saartay rajadii Nigeria ee inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 2018.
Daqiiqado ka hor inta aannu kabtanka DR Congo Chancel Mbemba dhalin rigoodhadii go’aanka ahayd, tababaraha Nigeria Eric Chelle ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta DR Congo inay isku dayayeen inay isticmaalaan sixir (voodoo).
Kadib guuldarrada, NFF waxay dacwad rasmi ah u gudbisay FIFA, iyagoo su’aal ka keenay sharci ahaanshaha qaar ka mid ah ciyaartoyda DR Congo oo beddelay waddankooda ciyaareed.
Cabashada Nigeria waxay ku saleysan tahay sharciyada gudaha DR Congo oo la sheegay inayan aqoonsanayn muwaadinnimada laba-laabka ah ee dadka waaweyn. Tani waxay keentay shaki ku saabsan ciyaartoyda ka ciyaara Premier League sida Aaron Wan-Bissaka iyo Axel Tuanzebe, kuwaas oo labaduba ciyaarta ka qeyb galay.
Iyadoo ay laba toddobaad oo keliya ka harsan yihiin isreeb-reebka caalamiga ah ee ka dhici doona Mexico si loo go’aamiyo dalalka u gudbaya Koobka Adduunka, ganaaxyadan ayaa kordhiyay xiisaha ku xeeran go’aanka FIFA ee ku saabsan dacwadda NFF ee ku saabsan isticmaalka ciyaartoy aan u qalmin ee DR Congo.
Si kastaba ha ahaatee, FIFA waxay DR Congo ku dartay jadwalka kulamada isreeb-reebka caalamiga ah ee soo socda. Waxay la ciyaari doonaan guuleystaha kulanka u dhexeeya New Caledonia iyo Jamaica 31-ka Maarso.
Tababaraha DR Congo Sebastien Desabre ayaa magacaabay 26 ciyaaryahan, iyadoo Yoane Wissa uu ku soo laabtay kooxda kadib markii uu seegay Koobka Qaramada Afrika 2025 sababo la xidhiidha dhaawac jilibka ah.
DR Congo waxay rajeynayaan inay u soo baxaan Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1974, markaas oo dalka uu ku tartamay magaca Zaire.
Ilaa 10 dal oo Afrikaan ah ayaa laga yaabaa inay u soo baxaan tartanka caalamiga ah ee la ballaadhiyay ee ka dhici doona Waqooyiga Ameerika.




















