Hargeysa (Dawan) Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay saadaasha roobabka gu’ga ee toddobaadkan. Saadaashu waxay muujinaysaa in gobollada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, iyo Sanaag laga filayo roobab mahigaan ilaa dhexdhexaada ah, kuwaasi oo u dhaxeeya 50mm ilaa 100mm, halka gobollada Togdheer iyo Sool la filayo in ay ka da’i doonaan roobab dhexdhexaad ah oo qiyaastoodu tahay 20mm ilaa 30mm.
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland waxay sidoo kale farriin muhiim ah u dirtay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada si ay uga faa’iidaystaan roobabka la filayo, isla markaana ay uga digtoonaadaan fatahaadaha ka iman kara. Sidoo kale, dadweynaha guud waxaa lagula taliyay inay ka taxaddaraan meelaha biyo-mareenada ah iyo goobaha ay daadadku maraan, si loo yareeyo waxyeelada ka dhalan karta roobabka xooggan.
Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, warkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan “Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL waxay shacabka la wadaagaysaa saadaasha roobabka toddobaadka.
Saadaashu waxay muujinaysaa in roobab dhexdhexaad ilaa Mahigaan ah (qiyaastii 50mm–100mm) ay ka di’i doonaan gobollada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Sanaag Insha Allah. Sida ka muuqata khariirada Saadaasha.
Sidoo kale, Waxa la filayaa in gobollada Togdheer iyo Sool roobab dhexdhexaad ah ay ka da’aan oo u dhexeeya 20mm–30mm.
Roobabku waxay noqon karaan kuwo si kala go’go’an u da’a, sida ku cad khariidadda saadaasha.
Fariin Muhiim ah:
- Beeralayda iyo xoolo-dhaqatada waxaa lagula talinayaa inay ka faa’iidaystaan roobabka la filayo. Sidoo kale ka dig toonadaan fatahadaha ka iman kara
- Dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay ka taxaddaraan meelaha biyo mareenada iyo goobaha ay daadadku maraan.
- Sidoo kale meelaha biyo mareenada la iska ilaaliyo waxaka iman kara fatahaado, maaddaama roobka la filayaa uu badan yahay.”




















