Berbera (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa shalay si cad u uga digay basasleyaasha qaada dadka rakaabka ah maalmaha munaasibadda ciidda, gaar ahaan baslayaasha qaada dadka u socda magaalada Berbera, isaga oo si adag uga digay inay basaskaasi ay ka tagaan dadka ay keenaan, maadaama tallaabadaasi ay keeni karto mas’uuliyad sharci oo toos u saamaynaysa darawallada gaadiidka dadweynaha.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilliyada lagu jiro munaasibadaha ciidda, ay sare u kacaan baahida safarrada iyo isu socodka bulshada, taasoo mararka qaar keenta in Basaska qaarkood aanay si buuxda uga warqabin rakaabka ay qaadaan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in darawallada ay mas’uul ka yihiin badqabka iyo ilaalinta rakaabka ay qaadaan, islamarkaana haddii ay dhacdo in qof lagaga tago magaalada Berbera ay sharciga lala tiigsan doonaa Baskii siday.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waalidiinta reer Somaliland ugu baaqay inay si dhow ula socdaan ubadkooda maalmaha ciidda, islamarkaana ay ka war hayaan halka ay tagayaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ayaa arrintan ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo badqabka dhalinyarada iyo ka hortagga dhacdooyinka lama filaanka ah ee soo bixi kara inta lagu guda jiro ciidaha.
Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Basaska dadka keena Berbera waxa laga yaabaa inay basaskaasi ka tagaan dhalinyaradii ay keeneen oo ay hadhaw dadkaasi Nooli ay ku noqdaan waayaan,” ayuu yidhi Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid). Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaan u sheegaynaa basasleyaasha in aanay dadkaasi kaga tagin Berbera. Haddii kale, iyagaa u xidhmaya oo wixii lagu ballamay haddii laga baxo iyagaa sharciga lala tiigsanayaa. Waalidkuna waa inay ogaadaan ubadkoodu halka ay tegayaan oo ay ka war qabaan.”
Waxaa xusid mudan in muddadan ciidda ay tahay waqti ay bulshada isu soo baxdo, taasoo keeni karta in dhalinyaro badan ay ku safraan magaalooyin kala duwan si ay ula kulmaan qoysaskooda ama saaxiibadooda. Sidaas darteed, guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda darawallada basaska ay tahay mid muhiim ah, islamarkaana aanay ka tegin rakaabka iyagoo aan hubin badqabka iyo amniga dadkaasi, sidoo kalena aanay dayicin masuuliyadda ka saaran rakaabkooda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay darawaladda gaadiidka dadweynaha in ay hagaajiyaan qorshayaasha basaska, isla markaana la hubiyo in shirkadaha ama shaqsiyaadka qaada rakaabka ay qaataan mas’uuliyad buuxda. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka gobolka Saaxil ee lagu xaqiijinayo amniga, badqabka, iyo habsami u socodka gaadiidka maalmaha ciidda.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa ugu dambeyn sheegay in tallaabooyinkan iyo digniinaha arrintani ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka gobolka ee lagu ilaalinayo nabadgelyada dadka iyo bulshada inta lagu jiro maalmaha ciidda. Waxa uu ku boorriyay darawallada, waalidiinta, iyo bulshada inteeda kale inay si wadajir ah uga shaqeeyaan badqabka dhalinyarada, isla markaana la xakameeyo wax kasta oo halis ku noqon kara badqabka rakaabka iyo safarka.




















