Halyeeygii hore ee England, Alan Shearer, ayaa amaanay Dominik Szoboszlai, isagoo ku tilmaamay xiddiga ugu iftiinka badan Liverpool xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa la dhibtoonaysa inay ku celiso qaab ciyaareedkii ay ku qaadeen horyaalka xilli ciyaareedkii hore, iyadoo hadda ku jirta kaalinta 5aad isla markaana natiijooyinkoodu yihiin kuwo is beddel badan.
Si kastaba, Shearer wuxuu aaminsan yahay in Szoboszlai uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha yar ee wanaagsan ee kooxda.
“Ciyaaryahanka ugu iftiinka badan Liverpool xilli ciyaareedkan waa Szoboszlai. Shaki kuma jiro tayadiisa,” ayuu yidhi Shearer.
Wuxuu sidoo kale is-barbar dhigay saameynta Szoboszlai iyo Bruno Fernandes, isagoo sheegay in labaduba ay yihiin laf-dhabarta kooxahooda.
Szoboszlai ayaa lagu amaanay goolashiisa muhiimka ah, tamartiisa iyo dabeecaddiisa wanaagsan, halka ciyaartoy kale oo Liverpool ah ay hoos uga dhaceen heerkii laga filayay, arrin ka dhigaysa inuu si gaar ah u muuqdo xilli ciyaareed ka duwan kii hore.




















