“Aqoonsiga Somaliland Waa Furaha Horumarka iyo Nabada ee Gobolka”

0
121

Faallo: Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddo ka badan 35 sanno ku naaloonaysay dawladnimo dimuqraadi ah, amni, iyo xasilooni siyaasadeed, iyadoo si muuqata u horumarisay kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, ilaalinta sharciga, iyo xuquuqda aadanaha. Dhammaan guulahan waxaa la hirgeliyay iyada oo aanay helin taageero dibadeed ama aqoonsi caalami ah, taas oo ka dhigaysa dadaalladan mid ku tiirsan kartida, hal-abuurka, iyo hogaaminta shacabka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waqtigan waxa jira isbeddello siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed oo waaweyn. Dadaallada joogtada ah ee Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah iyo in guulaha la taaban karo ee ka dhashay xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo maamul wanaagga la aqoonsado, ayaa horseeday in waddamo badan oo caalami ah ay dib u eegaan aragtidooda, isla markaana ay tixgeliyaan doorka Somaliland ee gobolka, halkii ay ka sii taageeri-lahaayeen nidaamka fashilmay ee Muqdisho. Tani waa fursad taariikhi ah oo albaabo cusub u furaysa iskaashiga, maalgashiga, horumarka dhaqaale, iyo wada shaqayn amni oo caalami ah.

Marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah ee Geeska Afrika, Somaliland waxay muujisay karti, adkaysi, iyo dedaal dhab ah. Xasilloonida siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiga ah ayaa ka dhigay mid tusaale u ah gobolka, iyadoo leh hay’ado casri ah, isla markaana qabatay doorashooyin xor iyo cadaalad ku dhisan. Tani waxay Somaliland ka dhigeysaa tusaale ka duwan dalalka kale ee Geeska Afrika, kuwaas oo weli la tacaalaya amni la’aan, musuqmaasuq, iyo maamul xumo.

Aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland maaha oo kaliya arrin cadaalad ah, balse waa talaabo istiraatiiji ah oo danta gobolka iyo tan caalamiga ah ka tarjumaysa. Waxay siinaysaa beesha caalamka fursad ay ku taageeraan xasilloonida, horumarka, iyo dimuqraadiyadda, halkii taageero laga siin lahaa dalal aan degganeyn iyo shabakadaha argagixiso ee ku xidhan dawladda Muqdisho. Aqoonsiga Somaliland wuxuu abaal marinayaa dadaalka iyo guulaha shacabka, isagoo hubinaya horumar dhab ah oo ka hano-qaada Geeska Afrika.

Sidaa darteed, waqtigan waajib cad ayaa ka saaran beesha caalamka in ay aqoonsato xaqiiqda Somaliland si loo xoojiyo nabadda, horumarka, iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka. Somaliland waxay hore u dhistay xasillooni, hay’ado xooggan, iyo nidaam dimuqraadiyad ku dhisan, waxaana la joogaa waqtigii guulahaas si rasmi ah loo aqoonsan lahaa. Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland waa lama huraan, waana talaabo u adeegaysa danaha gobolka iyo caalamkaba, isla markaana abaal marinaysa hogaaminta iyo adkaysiga shacabka Somaliland.