Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu “tirtiri doono” warshadaha korontada ee Iiraan haddii aanay ku furin marin biyoodka Hormuz 48 saacadood gudohood oo kama dambays ah. Qoraal uu ku qoray bogga Truth Social, Trump wuxuu ku hanjabay inuu sii xoogeyn doono weerarka, uuna bartilmaameedsan doono xarumaha korontada ee Iiraan kuwa ugu waaweyn”.
Tani maaha hanjabaaddii ugu horreysay ee Trump uu ku duqeeyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan hore wuxuu ugu hanjabay inuu si baaxad leh u qarxin doono tamarta gaaska Iraan ee Koonfurta Pars. Laakiin Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), ayaa ku tilmaantay goobahaas goobo rayid ah oo ka caagan weerarada Milateriga.
Wareysi hore looga qaaday Luis Moreno Ocampo, oo ahaa dacwad oogaha ugu horreeya ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), oo ku saabsan hab-dhaqanka dalalka ku lugta leh dagaalka. Ocampo wuxuu ka hadlay sida ay mamnuuc u tahay bartilmaameedsiga goobahaas haddii aanay lahayn ujeedo militari oo cad.
Wuxuu sheegay in dalalku ay u badan tahay inay isku dayaan inay adeegsadaan sheegashooyin kala duwan si ay isugu dayaan inay qiil u sameeyaan bartilmaameedkooda. Laakiin goobaha noocaas ah ayaa weli loo arkaa goobo rayid ah sababta oo ah muhiimadda ay leeyihiin, sida bixinta shidaalka kulaylinta guryaha, karinta iyo korontada.
Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan midna xubin kama aha ICC.
.




















