Diyaarada Cathay Pacific oo joojisay dhammaan duulimaadyadii Dubai iyo Riyadh

0
120

Shirkadda diyaaradaha ee Cathay Pacific ayaa joojisay dhammaan duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imaan jiray Dubai iyo Riyadh ilaa 30-ka Abriil, taasoo ay sheegtay inay ka dhalatay “xaaladda sii kordheysa” ee Bariga Dhexe.

Shirkadda diyaaradaha ayaa ka digtay in isbeddello dheeraad ah oo lagu sameeyo jadwalka duulimaadka “loo baahan karo” maalmaha soo socda, iyadoo intaas ku dartay in badbaadada rakaabka ay tahay mudnaanta koowaad.

Sida hore loo baahiyey , duulista hawada waxaa si weyn u saameeyay dagaalka Iiraan, iyada oo tiro shirkado diyaaradeed ah lagu qasbay inay joojiyaan ama dib u dhigaan duulimaadyada xarumaha safarka caalamiga ah ee gobolka oo dhan.