Tani waa wixii ay sida weyn uga baqayeen dalalka Khaliijka Carabta inay sii xoogeystaan weeraradu.
Iyada oo Iraan ka jawaabayso weerarkii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku soo qaadeen dalkeeda, iyada oo weerarrada gantaallada Iiraan ee bartilmaameedkoodu ahaa saldhigyada Israa’iil iyo Maraykanka ee gobolka, weeraradu waxay hadda isu beddeleen weeraro lagu qaaday qaybaha tamarta.
Kani waa halbowlaha garaaca wadnaha dhammaan dhaqaalaha Khaliijka. Saliidda, gaaska iyo kiimikada batroolka ayaa ah waxa dowladaha Khaliijka Carabta u beddelay dalal qani ah muddo tobanaan sano ah gudahood.
Qatar ayaa ka cadhootay in inkasta oo si cad iyo si gaar ahba Maraykanka ugu booriyeen in aanay weerarin Iiraan bishii Febraayo, haddana ay aragtay iyada oo halkii ugu qaalisanayd warshadeeda gaaska ee Ras Laffan la weerarayo, laba jeer la duqeeyay.
Difaaca cirka ee dowladaha Khaliijka Carabta ayaa aad waxtar u lahaa – dhowr gantaal oo ballistic ah oo Iiraan ah ayaa la qabtay. Laakiin si cad hubka Iiraan weli ma madhna qaar ka mid ah hubkeedana way awoodaan inuu ka dhex baxo.
Maraykan iyo Isreal ayaa hore u weeraray xarunta ugu weyn Gaaska Iran ee Pars loo yaqaano, taas adduunku aad ugu dhaleeceeyey. Trump waxa uu eeda weerarka iskaga leexiyey Israel, laakiin uu ku hanjabay inuu “si baaxad leh u qarxin doono” gaaska Koonfurta Pars.




















