“Waxa aanmu ka hawl-galnay samato bixinta 250 qoys oo danyara oo roobabku halis galiyeen” Waraysi: Guddoomiye Cabdi-Caadil
Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan):- Maamulka Degmada Maxamuud Haybe oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada, Cabdicaadil Ibraahin Xuseen, ayaa gurmad degdeg ah ka sameeyay degsiimada cusub ee Iidaan oo ka tirsan degmadaas, halkaas oo dhawaan la dejiyay qoysas danyar ah.
Degsiimadan oo ay ku nool yihiin in ka badan 250 qoys, ayay saameeyeen roobabkii ka da’ayya caasimadda Hargeysa kuwaas oo daadad xooggan oo khatar geliyay nolosha dadka deegaanka galeen guryihii ay degenaayeen oo ahaa guryo Danyar ah basas ah.
Markii xaaladda dadka deegaanka degsiimada cusub ee xaafada Iidaan ee Degmada Maxamuud Haybe ay xaaladdaasi la soo deristay waxaa kormeer ku tegay maamulka degmada Maxamuud Haybe oo u ballan qaaday in ay wax ka qabanayaan daadka isla markaana ka hawl gali doonaan.
Habeen hore ayay maamulka degmada oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe oo wata cagafta dawladda hoose ee Hargeysa ay ka hawl galeen in qoysaskaa laga mooso daadadka isla markaana laga duwo biyaha habeenkii hore ay ka seexan waayeen.
Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe Cabdicaadil Ibraahin Xuseen oo isla xaafadda IIdaan habeen hore isagoo ku suga kuna guda jira shaqada biyo moosidda ah uga warramay wargeyska Dawan oo goobta tegay, ayaa sheegay in ay u sooo gurmadeen xaafadda Iidaan ee degmada Maxamuud Haybe oo dad Danyar ahi ay degen yihiin isla maraana daadad kusoo jabay ay guryahooda oo dhan wada saameeyeen balse aanay qasaare nafeed jirin.
Waxaaanu intaa ku daray in iyagoo fulinaya amarka maayerka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Aaxmed Mooge oo faray in dadkaa deg deg loogu gurmado ay maalin iyo habeen dhan ku jireen xaafada Iidaan isla markaana ka mooseen dhammaan dhinacyadii biyuhu kaga soo jabayeen.
Waxaanu yidhi. “Subaxnimadii waxaanu ku nimi gurmad aan ku ogaanayno siday tahay xaaladdooda nololeed iyo halka ay daadadku kaga imanayaan si aan wax uga qabano, waxaana xaafadda degen 250 qoys oo dan yar ah waxaanan qiimayn ka dib anagoo fulinayna amarka maayerka caasimadda Hargeysa aanu xilligan oo habeenimo ah ku guda jirnaa ka moosidda dhinacyadii daadadku kaga imanayeen waana nagu waajin n aan ka hawl galno samato bixinta 250 ka qoys ee halkan deggen.”
Dhinaca kale dadweynaha xaafada Iidaan ee Maxamuud Haybe ayaa si Dareen leh uga hal celiyay gurmadka loo sameeyay waxaanay sheegeen in aanay habeenkaas hore aanay seexan oo dhammaan guryahooda uu daadku wada galay balse ay caawa (habeen hore) seexanayaan kol haddiii daadadkii laga moosay.
Waxaanay u mahad naqeen maayerka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo maamulka degmada Maxamuud Haybe oo uu hoggaamiyao guddoomiye Cabdicaadil oo aan markasta garab taagan isla markaana hadba xaaladda soo korodha ay ka helaan gurmad.




















