Maraykanka oo u Jiheystay Aqoonsiga Somaliland iyo Saamaynta Awoodda Gobolka Geeska Afrika” Military:

0
150

Washington (Dawan) Mareegta caalamiga ah ee Military.com ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay in uu si cad u muuqdo, isla markaana uu ay soo dhawaatay suurtagalnimada aqoonsi buuxa oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka, gaar ahaan dawladda Maraykanka. Warbixintu waxay arrintan ku tilmaantay mid leh saameyn istaraatiiji ah oo ballaadhan oo ku saabsan Geeska Afrika.

Warbixinta oo uu qoray Robert Billard oo ka tirsan shabakadda Military (Shabakadda Bulshada Milatariga Maraykanka) ayaa tilmaantay in Somaliland ay Maraykanka u bandhigtay heshiis muhiim ah oo ay ku jiraan saldhigyo milatari oo ku yaalla dekedda Berbera, iyo sidoo kale helitaanka macdano muhiim ah sida lithium iyo coltan. Isla markaana ay Somaliland bedelkeeda dalbanayso aqoonsi rasmi ah oo dowladeed.

Warbixintu waxay xustay in arrintani ay ku soo beegmayso xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amniga ee Badda Cas iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu sii kululaanayo tartanka quwadaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan tartanka ku wajahan Afrika. Dhanka kale, sida ay warbixintu sheegtay sharciga H.R. 3992, oo uu soo bandhigay Senator Scott Perry, ayaa weli horyaalla Kongareeska Maraykanka, kaas oo haddii la ansixiyo u gogol xaadhaya aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Jamhuuriyadda Somaliland muddo ka badan 33 sannadood ay dhistay nidaam dowladeed oo shaqeynaya, isla markaana ay ku naalootay xasillooni siyaasadeed, nabadgelyo iyo amni buuxa, taas oo ah arrin dhif iyo naadir ku ah gobolka marka loo eego xaaladaha ka jira dalalka deriska ah ee Geeska Afrika.

Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in Israel ay jabisay caqabaddii aqoonsiga, iyadoo xustay in 26-kii Diseembar 2025 ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana lagu yidhi “Diseembar 26, 2025, Israa’iil waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si buuxda u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay tallaabadan, waxaana si degdeg ah u raacay is-weydaarsiga safiiro iyo heshiisyo iskaashi. Halka Ethiopia iyo United Arab Emirates ay hore u muujiyeen dano dhaqaale iyo kuwo istaraatiiji ah oo la xidhiidha dekedda Berbera.”

Warbixinta Mareegta Military waxay sidoo kale tilmaamaysaa in danaha milatari ee dawladda Maraykanku ay durba muuqdaan, iyada oo Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, Dagvin Anderson, uu dabayaaqadii 2025 booqasho rasmi ah ku tagay Hargaysa iyo Berbera, isagoo qiimeeyay awoodda dekedda iyo xaaladda amni. Dhanka kale, warbixintu waxay ka dayrisay xaaladda dawladda Mogadisho, iyada oo xustay in lagu tilmaamo dal fashilmay, kaas oo ay awooddiisu weli tahay mid xaddidan isla maraana aaanay si buuxda u wada maamulin dhulkeeda iyada oo kaliya xukunta dhul kooban oo aan ka baxsanayn caasimadda, inkastoo ay hesho taageero caalami ah.

Gabagabadii, warbixintu waxay muujisay suurta-galnimada aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka, taas oo ay ku sifaysay tallaabo Washington siinaysa xulafo shaqeynaysa oo xasilloon, sidoo kalena aan u baahnayn kharashaadka culus ee dhismaha dowlad cusub, isla markaana leh faa’iidooyin istaraatiiji ah gaar ahaan dhinacyada milatariga, dhaqaalaha iyo amniga. Waxa kale oo ay warbixintu tilmaamaysaa in haddii Maraykanku qaato go’aan rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, ay taasi si weyn u beddeli karto isu dheelitirka awoodda iyo xaaladda amni ee Geeska Afrika, isla markaana kor u qaadayso saameynta Washington ee gobolka.