Addis Ababa (Dawan) Maayirka magaalada Boorama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa si rasmi ah uga qayb-galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga iyo Ganacsiga Itoobiya ee sannadka 2026 (INVEST IN ETHIOPIA HIGH-LEVEL BUSINESS FORUM 2026), kaasi oo ka qabsoomay caasimadda Addis Ababa. Maayarka ayaa casuumad ka helay Dawladda Itoobiya, isaga ku matalaya qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan horumarka, koboca dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee ka jira magaalada Boorama, oo si xawli ah u horumaraysa.
Intii uu shirku socday, Duqa Magaalada Boorama Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse waxa uu kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya iyo ganacsato caalami ah oo ka qayb-galay shirkan, isaga oo si qoto dheer madasha ugu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka bannaan Boorama iyo guud ahaan Jamhuuradda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, Maayarku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya, Mudane Axmed Shide, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee labada dhinac (Somaliland iyo Itoobiya).
Ka qayb-galka Duqa magaalada Boorama ee shirkan taariikhiga ah waxa uu muujinayaa kaalinta sii kordhaysa ee ay Boorama ku leedahay iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika, iyo dadaalka joogtada ah ee maamulka magaalada Booreame ee ku aaddan soo jiidashada maalgashiyo caalami ah iyo horumar waara.
Dhinaca kale, dhallinyaro aqoonyahanno ah oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb-galay Shirkan oo ah kii afraad ee Maalgashiga Itoobiya (Invest in Ethiopia High-Level Business Forum 2026), kaas oo ka furmay magaalada Addis Ababa, isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ethiopian Investment Commission, Wasaaradda Maaliyadda iyo la-hawlgalayaal horumarineed oo caalami ah.
Shirkan oo ah mid heer sare ah ayaa isu keenay maalgashadayaal caalami ah, siyaasad-dejiyayaal, diblomaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal ganacsi, kuwaas oo ka kala yimid dalal kala duwan. Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah sahminta iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashi ee sii kordhaya ee Itoobiya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi oo soo jiidasho leh.
Ajandaha shirkan caalamiga ah ee maalgashiga Itoobiya ayaa ah mid aad u ballaadhan, waxaana ka mid ah dooddo heer sare ah oo ku saabsan siyaasadaha maalgashiga, kulamo ganacsi oo nooca B2B ah oo u dhexeeya shirkadaha iyo maalgashadayaasha, iyo bandhigyo lagu soo bandhigayo fursadaha ka jira waaxyo muhiim ah sida beeraha, warshadaha, tamarta, ICT, dalxiiska iyo macdanta. Kaas oo hal-ku-dhiggiisu yahay: “Itoobiya waxay diyaar u tahay ganacsi.”
Ka qaybgalka aqoonyahannada dhallinyarada ah ee reer Somaliland ayaa ah mid muujinaya koboca aqoonta iyo kartida dhalinyarada dalka, iyo sida ay uga qayb qaadanayaan arrimaha dhaqaale ee heer gobol iyo caalami. Sidoo kale, waxay fursad u heleen inay la kulmaan maalgashadayaal iyo shirkado waaweyn, isla markaana ay abuuraan xidhiidho ganacsi oo mustaqbalka faa’iido u leh Somaliland.
Shirkan waxaa ka qayb galay in ka badan 800 oo ka qaybgalayaal caalami ah, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro xoojinta kalsoonida maalgashadayaasha, horumarinta ajandaha dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Itoobiya, iyo dardargelinta kobaca dhaqaale ee waara.
Gunaanadkii, ka qaybgalka dhalinyarada aqoonyahannada ah ee reer Somaliland ee madashan caalamiga ah wuxuu muujinayaa in Somaliland ay si tartiib ah ugu sii jeedo inay ka mid noqoto goobaha muhiimka ah ee iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga ee gobolka, isla markaana ay dhalinyaradeedu door muuqda ka qaadanayaan mustaqbalka horumarineed ee dalka.




















