Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay daabacday AfriNews 24 ayaa shaacisay isbeddel weyn oo diblomaasiyadeed oo ka soo ifbaxay siyaasadda dawladda Maraykanka, kaas oo si toos ah u taabanaya isku xidhka nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo caalamka. Isbeddelkan ayaa lagu tilmaamay albaab cusub oo u furmay koboca dhaqaalaha, horumarinta nidaamyada bangiyada, iyo suurtagalnimada aqoonsi caalami ah.
Warbixintan oo Wargeyska Dawan soo turjumay waxay xustay in xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan baarlamaanka Maraykanka, oo kaashanaya John Rose, uu soo bandhigay sharci cusub oo la yidhaahdo “Republic of Somaliland Independence Act (H.R. 3992)”. Sharcigan ayaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaadan karo koboca dhaqaale, horumarinta nidaamyada maaliyadeed, iyo kor u qaadista aqoonsiga Somaliland.
Warbixintu waxay tilmaantay in isbeddelladani ay si toos ah u taabanayaan nolosha muwaadinka caadiga ah, gaar ahaan dhallinyarada Somaliland. Sida ay sheegtay warbixintu fursadaha shaqo ee ay abuuri karaan shirkadaha shisheeye iyo suurtagalnimada in dhallinyaradu ka shaqeeyaan suuqyada caalamiga ah iyagoo jooga Hargeysa (Digital Economy), ayaa la filayaa inay si weyn hoos ugu dhigaan heerka shaqo la’aanta.
“Tallaabooyinkan cusub iyo sharciga (H.R. 3992) waxay xoojinayaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, iyaga oo suurtogal ka dhigaya helitaanka deymo caalami ah oo lagu horumarin karo waddooyinka, korontada, iyo mashaariicda kale ee horumarineed. Somaliland waxa dhistay xasillooni (stability) isla markaana waxay diyaarsatay hay’adihii (institutions) lagama maarmaanka u ahaa horumarka. Muddo ka badan 35 sano kadib, tallaabooyinka ka imanaya Washington, D.C. iyo Tel Aviv ayaa muujinaya in beesha caalamku si dhab ah u aqoonsan tahay guulaha Somaliland, isla markaana aan la iska indha-tiri karin,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in dadaallada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadheen heerkii ugu sarreeyay, ka dib go’aankii Israel bishii Diseembar 2025 ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Isku xidhka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah sida SWIFT ayaa la tilmaamay inuu wax weyn ka beddeli karo dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan horumarinta Dekedda Berbera, fududeynta xawaaladaha, iyo abuurista kalsoonida maalgashadayaasha caalamka.
Sidoo kale, warbixintu waxay falanqayn qoto-dheer ku samaysay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee sharcigan cusub (H.R. 3992), iyada oo lagu tilmaamay in sharcigani uu ka dhigan yahay aqoonsi dhab ah, isla markaana uu muujinayo isla markaana muujinaya danaha istiraatiijiyadeed ee dawladda Maraykanka, waxaana lagu yidhi “Somaliland waxaa loo arkaa meel istiraatiiji ah oo ku taalla marin muhiim ah oo saamayn ku leh ganacsiga iyo amniga caalamiga ah, iyada oo iskaashiga Somaliland ee dhinaca amniga iyo dhaqaalahu uu abuuri karo xidhiidh rasmi ah xitaa ka hor inta aan la helin aqoonsi buuxa.”
Sida lagu sheegay warbixinta, waddooyinka Somaliland u marayso ku biirista nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ayaa loo arkaa fursad weyn oo kor u qaadi karta dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaanay tilmaantay “Taageerada United States iyo aqoonsiga Israel ayaa si weyn u kordhinaya kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaana dhiirrigelinaysa shirkadaha waaweyn inay maalgashi ballaadhan ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan qaybaha tamarta, macdanta, iyo tiknoolajiyada.”
Bangiyada caalamiga ah ayaa sidoo kale la filayaa inay helaan kalsooni dheeraad ah oo ay ku furaan adeegyo rasmi ah, taas oo fududeyn karta isku xidhka nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo kan caalamka. Dhanka kale, muhiimadda Dekedda Berbera ayaa la iftiimiyey, iyadoo lagu tilmaamay xudunta ganacsiga Geeska Afrika iyo xarun istiraatiiji ah oo sii kordhaysa.
“Isku darka maalgashi caalami ah iyo kaabayaasha sida Dekedda Berbera, iyo xidhiidhka nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah sida SWIFT, ayaa la rumeysan yahay inay Somaliland u horseedi doonaan koboc dhaqaale oo ballaadhan iyo door muuqda oo ay ka qaadato ganacsiga gobolka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta caalamiga ah ee ay daabacday Warbaahinta AfriNews 24.




















